Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowladda Soomaliya waxa laga sugayo mise waxey ku mashquulsan tahay?

Marka aad daawato Tv-yada sido kale aad booqoto baraha bulshada waxaad arkeysaa maalinba horumar ay sameysay dowladda federaalka Soomaliya oo lasoo bandhigayo. Tusaale;  waxaa la furay in dekedda Muqdisho habeenkii shaqeyneyso, waddooyin cusub oo la dhagax dhigay, golaha dhaqaalaha qaranka oo la aasaasay , ciidamo cusub oo tababar loo soo xiray iyo waxyaabo kaloo badan.

Dhanka kale, markaad usoo degto waaqaca ka jira dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho waxaa kusoo baxay sawir ka duwan wixii horumar ahaa ee laguu sheegay ama aad ku aragty Tv-yada iyo baraha bulshada. Tusaale; hooyada wiilkeeda ama gabadheeda magaalada ka aado waxey ka walwashaa inta uu kasoo laaabanayo isagoo nabad ah, si la mid ah wiilka ama gabadha ka mid ah shaqaalaha dowladda si xor ah magaalada Muqdisho uma mari karaan oo waxey u baqayaan naftoodo,ku darsoo  maqaayadaad doontid si nabad ah shaah ugama cabi kartid oo waxaad is leedahay goormaa halkan la isku qarxin doonnaa, yaanan ka reebine xiligaad doontid iskama socon kartid waa intaasoo waddada xirantahaye.

Hadaba dhamaan dhibaatooyinkaas amni darro ee aan soo sheegnay iyo kuwa kaloo badan dadka maalin walba dareemaya miyey farax gelineysaa deked baa habeenkii la furay ama waddo cusub baa Re’iisul wasaaraha dhagax dhigay. Jawaabta idink ayaan idin daayay.

Xaqiiqidi horumarka nolosha waxaa aasaas u ah amaanka si kale haddaan u dhaho inay dadka ku noolaadaan nabadgalyo ay isku haleyn karaan, kadib waxaa hubaal ah in horumarka uu iska imaanayo mar haddii nabad la heysto.

Laakin iyadoo ay dadka naftooda u baqayaan in la yiraahdo dalka horumar buu kusii socdaa waa arrin keeeni karta in kalsoonida dowladnimada dadka ka lunto.

Si kastaba ha ahaatee, dowladda Soomaaliya waxaa la gudboon inay xooggeeda isugu geyso sidii dalka amni loogu dhigi lahaa maxaa yeelay Nin Nabad ka maqantahay mid kale uma muuqato.

 W/Q  Abdinasir Safaana

Email: Safaanahaji@gmail.com

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya

Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxkamada sare ee Ciidamada oo Xukun dil ah ku riday rag dambiyo culus lagu helay

Cabdi Cade

Madaxweyne Laftagareen oo amray in la bilaabo Dagaal ka dhan ah Al Shabaab (Sawirro)

Cabdi Cade

NISA oo Sh/hoose ka soo qabatay koox ka tirsan Al-Shabaab & Walxaha qarxa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---