Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Mid kamid ah Dowladaha Islaamka oo ku hanjabtay in ay joojineyso Isticmaalka Dollarka

Waxaa sii xoogeesanaya xiisada siyaasadeed ee u dhaxeeya Wadamada Turkiga iyo Mareykanka, waxaana xiisadan ay ka dhalatay Baadari u dhashay dalka Mareykanka oo arimo la xariira afgambigii fashilmay ugu xiran gudaha Turkiga.

Dowlada Mareykanka ayaa ka codsaday dowlada Turkiga ay sii deyso Baadariga u xiran, hasa ahaatee Madaxweynaha Turkiga Erdogan uga digay dowlada Mareykanka in uusan xiriirkoodu xumeyn xariga Baadariga.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa laba jibaaray canshuurta la saarayo birta iyo naxaasta dalka Turkiga uu u dhoofiyo Mareykanka, waxa uuna arintan uga gon leeyahay in cadaadis saaro dowlada Turkiga.

Erdogan ayaa dhankiisa uga digay dowlada Mareykanka in ay joojiso daan daansiga ay wado, waxa uuna ku hanjabay in dalkiisa aan looga ganacsan doonin lagana isticmaali doonin lacagta dalka Mareykanka ee Dollarka.

Madaxweynaha Turkiga oo dadweyne badan kula hadlay magaalada Unye ee Waqooyi bari Turkiga ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in Baadari dambi loo xiray dartiis Turkiga lagu ciqaabo laguna horseedo dhibaato cusub.

Waxa uu cadeeyay Madaxweyne Erdogan in dalkiisa uu diyaar u yahay in ganacsigiisu uu ku saleeyo lacag aan doolar ahayn uuna la baayacmushtaro dalal ay ku jiraan Shiinaha, Ruushka,Iiraan iyo Ukraine.

Madaxweyne Erdogan ayaa ugu baaqay shacabka Turkiga in dalabkiisa taageeraan una bedeshaan lacagaha Dollarka ay heestaan mida dalkooda ee Liiraha, waxaana isbadalka dhinaca lacagaha durba laga dareemay dalka Turkiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin si xeeladeysan ku dhacay lacag Malaayiin Dollar gaareysa oo Xukun yaab leh lagu riday

Caydiid Ali

Taliyaha ciidanka Xoogga dalka oo booqday askar dagaallo kusoo dhaawacmay (Sawirro)

Cabdi Cade

Meydka Gabar yar oo si arxan daro ah loo dilay oo lagu arkay magaalada Gaalkacyo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---