Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Ciidanka Dowladda oo Weerar xooggan ku qaaday deegaan ay isku abaabulayeen Al Shabaab

Ciidanka dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa daraawiishta Galmudug ayaa weerar culus ku qaaday goob la sheegay in ay isku aruursanayeen dagaalyahano katirsan Al Shabaab oo dhaca degaanka Qeycad ee gobolka Mudug.

Dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidamada huwanta ah iyo kooxda Al Shabaab ayaa ka dhacay goobta la weeraray, waxaana wararku sheegayaan in wali halkaasi laga maqlayo rasaas ay labada dhinac is dhaafsanayaan.

Saraakiisha ciidanka hoggaamineysa ayaa sheegay in  Al Shabaab dagaalka ku gaarsiiyeen khasaaro xooggan, waxa ayna sheegeen in wali sii baacsanayaan firxadka dagaalyahanadii Al Shabaab ee weerarka ku ekeeyeen.

Ciidamada dowladda iyo kuwa darawaiishta Galmudug ayaa horey ula wareegay deegaanka Qeycad oo fariisin u aheyd Al Shabaab, waxa ayna ciidanka wali deegaannada ay Shabaab ka joogaan gobolka Mudug ka wadaan howlgalo ka dhan ah kooxdaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Danjire Cali Cagabaruur oo farxada ciida la qeybsaday Soomaalida kunool Kampala (Sawirro)

Cabdi Cade

Xulalka France iyo Croatia yaa ku guuleesan doona Koobka Aduunka ?

Cabdi Cade

Khayre oo tababar u furay Ciidamadii Galmudug ee dhowaan la qaramaeeyey (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---