Allbanaadir.com
NEWS

Sacuudiga oo loo doortay martigelinta koobka kooxaha horyaallada Qaaradaha

Xiriirka kubadda cagta adduunka ee FIFA ayaa u codeeyay in Boqortooyada Sacuudi Carabiya  ay martigaliso koobka kooxaha horyaalada qaaradaha adduunka ee lagu wado in bisha December ee sannadkan 2023 qabsoomo.

Codeyn ay sameeyeen golaha FIFA ayaa si aqlabiyad leh loogu codeeyay in Sacuudiga martigeliyo  koobkan oo ay ka qeybgalayaan lixda koox ee kusoo guuleesta horyaalada qaarada adduunka iyo kan Sacuudiga.

Sida ay shaaciyeen xiriirka kubadda cagta ee adduunka tartankan ayaa boqortooyada Sacuudiga ka qabsoomi doona inta u dhaxeysa 12-22 December 2023, waxaana tartankan uu noqon doonaa mid xiiso gaar ah yeesha.

Sacuudiga oo markan usoo jeestay horumarinta kubadda cagta ayaa horay u martigaliyay ciyaaro iyo munaasabaddo isboorto oo aad u weyn ay kamid yihiin  Super Cup-ka Spain ee sannadkan, horyaalka feerka adduunka iyo tartamo kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Al Shabaab oo shaacisay in weerar qorsheesan ku dileen 9-qof oo Kenyan

Cabdi Cade

Ciidamada Dowlada oo Caawa fal kale oo laga argagaxay ka geestay Muqdisho

Cabdi Cade

Yahuuda oo xaafad Cusub oo iyaga u gaar ah ka dhisaneysa dalka Imaaraadka Carabta

Cabdi Cade
Taboola Ads ---