Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Qoor Qoor oo Caabudwaaq kula kulmay Masuuliyiin iyo Waxgarad (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlada Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye oo ku sugan degmada Cabudwaaq ayaa kulamo kala duwan la qaatay Maamulka Degmada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Degmada cabudwaaq.

Madaxweynaha ayaa kulamo gooni gooni ah la qaatay Gudoomiyaha Degmada, Gudoomiye ku xigeenka xubnaha Golaha deeganka, Odayaasha Golaha Guurtida, Guddiga Horumarinta Degmada, iyo Ganacsatada Degamada Cabudwaaq.

Madaxweynaha oo ayaa bulshada Degmada Cabudwaaq ku dhiirogeliyay la shaqeynta maamulka cusub ee degmada iyo guud ahaan ka qeyb qaadashada horumarka Degmada oo haatan yeelatay Gole deegaan iyo maamul ay doorteen.

Dhinaca kale, madaxweynuhu wuxuu bogaadiyay sida Bulshada Degmada Cabudwaaq oo isku duuban oo ula shaqeynayaan maamulka iyo Laamaha Amniga.

Related posts

Burcad Dhac u geestay Masjidka Al-Ihsan oo gacanta lagu soo dhigay (Sawirro)

Cabdi Cade

Jiritaanka Galmudug oo Halis sii galaya iyo Khilaafyo cusub oo soo shaac baxaya

Cabdi Cade

Kiisaska Coronavirus ee Muqdisho oo hoos u dhacay & gobolada dalka oo..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---