Allbanaadir.com
NEWS

Muxuu Cali Guudlaawe kala hadlay wakiilada beesha caalamka ee fadhiya Nairobi? (Sawirro)

Madaxweyanaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta Magaalada Nairobi kula kulmay Wakiilada Beesha Caalamka ee taageera Soomaaliya.

Shirkaan ayaa looga hadlay howlgalada lagu ciribtirayo Al-shabaab, xaaladaha deegaanada la xoreeyay iyo dardargalinta barnaamijka xasilinta oo muhiim u ah bulshada.

Madaxweynaha ayaa wakiilada beesha caalamka uga warbixiyay xaaladaha guud ee Hirshabeelle gaar ahaan guulaha muhiimka ah ee laga gaaray dagaalada lagula jiro khawaarijta oo lagu xoreeyay degmooyin iyo deegaano badan oo muddo fog ay maamulayeen kooxda Al-shabaab.

Madaxweynaha ayaa wakiilada beesha caalamka ee taageera Soomaaliya la wadaagay dardargalinta iyo xoojinta barnaamijka xasilinta ee laga fulinayo deegaanada iyo degmooyinka la xoreeyay si bulshadu u hesho adeegyada muhiimka ah Dowladda.

Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen oo kulankaan muhiimka ah ay ku weheliyeen Wasiiradiisa Arrimaha Gudaha, Amniga, Qorsheynta, iyo Haweenka iyo Xuuqul Insaanka ayaa bogaadiyay doorka saaxibada beesha caalamka ee Soomaaliya gaar ahaan taageerada ay la garab taagan yihiin Hirshabeelle.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Biixi oo magacaabay xubnaha cusub ee Komishanka xuquuqul Insaanka (Magacyada)

Cabdi Cade

Wasiir Maaliyada Soomaaliya oo Muqdisho kula kulmay Bella Bird (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Guddi Somaliland u xilsaartay xalinta dagaalka Laascaanood oo 10 qodobo soo saaray

Caydiid Ali
Taboola Ads ---