Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo xukun ku riday Cabdalla Axmed Muumin

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta soo gabagabeysay dacwad Wasaaradda Warfaafinta dowlada Soomaaliya ku soo oogtay Cabdalla Axmed Muumin oo ag xoghayaha ururka saxaafada ee SJS.

Maxkamadda ay ku dhawaaqday go’aanka dacwadda oo soo martay illaa 4 wareeg oo dhageysi ah.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir, Garyaqaan Saalax Cali Maxamuud ayaa shaaca ka qaaday in Cabdalla Axmed Muumin lagu xukumay laba bilood oo xabsi ah, isla markaana lagala laabtay damiin uu ku joogay banaanka mudadii ay socotay dacwada.

Garyaqaan Saalax Cali Maxamuud ayaa intaas ku daray in Cabdalla lagu waayey labo ka mid ah saddex dacwadood oo lagu soo oogay, balse lagu helay mid ka mid ah dacwadahaas.

Cabdalla Axmed Muumin oo ag xoghayaha ururka saxaafada ee SJS ayaa loo heystaa inuu ka hor yimid amar dowladu soo saartay oo ahaa in Warbaahinta ay hadda ka dib Al-shabaab ugu yeerto magaca ah khawaarij, maadaama ay dowladu ay kula jirto dagaal lagu soo afjarayo kooxdaas.

qareenka u doodaya Cabdalla Axmed Muumin oo ag xoghayaha ururka saxaafada ee SJS ayaa sheegay in xukunkaas aysan ku qanacsaneyn, kana qaateen racfaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Baarlamanka Somalia oo guda galay Cutubka saddexaad ee dib u eegista Dastuurka (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Guudlaawe oo Guddoomiyay shir ay yeesheen Golaha Wasiirrada Hirshabelle

Cabdi Cade

Saddex qodob oo muhiim ah oo maanta looga hadlay Shirkii Golaha Wasiirrada

Cabdi Cade
Taboola Ads ---