Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Dad nool oo todobaad ka dib laga soo saaray burburka & dhimashada oo gaartay..

Samatabbixiyeyaasha ayaa saddex qof oo badbaadiyay burburka Turkiga toddobaad ka dib dhulgariirkii ka dhacay qeybo ka mid ah dalkaa

Kooxaha samatabbixinta ayaa qof dumar ah oo nool ka soo saaray burburka dhisme ku dumay dalka Turkiga, waxaana koox kale ay qodayeen god si ay u gaaraan dad la rumaysan yahay iney kala yihiin ayeeyo, hooyo iyo ilmo yar oo 30-maalmood jira oo ku xayiran, sida uu sheegay telefishanka CNN Turk.

Toddobaad ka dib dhulgariir weyn oo ku dhuftay Turkiga iyo Suuriya, tirada dadka ku dhintay ayaa kor u kacday ku dhawaad 34,000 waxayna u muuqatay inay sii kordhayso tirada, iyadoo rajada laga qabo in la helo dad kale oo badbaaday ay sii yaraanayso.

Laakiin CNN Turk ayaa sheegtay in Sibel Kaya, oo 40 jir ah, laga soo badbaadiyay koonfurta gobolka Gaziantep, qiyaastii 170 saacadood ka dib markii ugu horeysay ee laba dhul gariir oo waaweyn ay ku dhufteen gobolka.

Shaqaalaha samatabbixinta ee Kahramanmaras ayaa sidoo kale xiriir la sameeyay saddex qof oo badbaaday, oo la rumeysan yahay inay ahaayeen hooyo, gabadh iyo ilmo yar, kuwaasoo ku jiray burburka dhisme.

Dhulgariirkii ugu dhimashada badnaa ee Turkiga ka dhaca tan iyo 1939 ayaa waxaa ku dhintay 29,605 qof. In ka badan 4,300 oo qof ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen 7,600 oo kalena ay ku dhaawacmeen waqooyi-galbeed ee Suuriya Axaddii, sida ay sheegtay hay’ad ka tirsan Qaramada Midoobay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Kamala Harris oo xulatay Madaxweyne ku xigeen

Caydiid Ali

Guddiga Doorashada maamulka Somaliland oo War cusub soo saaray

Cabdi Cade

Duqa Muqdisho oo Daah-furay hannaanka wada shaqeynta Waaxyaha Dowladda Hoose (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---