Rasaas goos goos ah iyo qaraxyo ayaa la soo sheegayaa nin maalintii 8aad saaka laga maqlayo qeybo ka mid ah hareeraha magaalada Laaascaanood oo maalmahan ay ku dagaalamayeen ciidamada Somaliland iyo Dadka degaanka.
Dagaalka saaka ayaa marna qaboobaya, marna xoogeysanaya, waxaana labada dhinac ka muuqato iney isku daaleen, iyadoo midkoodna uusan wax horumar ah oo muuqda ka sameynin dagaalka.
Ciidamada Somaliland oo la kulmaya iska caabin adag ayey u suuragaeli la’dahay iney gudaha u soo galaan magaalada, halka xoogaga ka horjeeda ay iyana tahli waayeen iney ciidamada Somaliland ka fogeeyaan hareeraha Laascaanood.
Rasaas habow ah iyo madaafiic hoobiyeyaal ah ayaa mararka qaarkood ku soo dhacaya guryaha iyo xaafadaha magaalada oo inta badan laga qaxay, iyadoo dad dhaawacyo qaba la gaarsiiyey isbitaalka magaalada.
Inkastoo dhinacyada dagaallamaya ay sheegeen in ay diyaar u yihiin in xabbadda la joojiyo, haddana waxaa muuqata in dagaalka uu maalinba maalinka ka dambeeysa sii xoogaysanayo
Wasiir Xigeenka Amniga Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Somaliland Mudane Cabdillaahi Xuseen Maxamed oo shalay warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay ciidamado ka tirsan kuwa Puntland ay bilaabeen in ay dhaqdhaqaaq ciidan ka sameeyaan jiidda hore taasina ay ka war hayaan hase ahaatee Puntland ayaa horey u beenisay iney ku lug leedahay dagaalka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com