Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dab khasaare hantiyeed geystay oo caawa ka kacay qeybo ka mid ah degmada Hodan

Dab xoogan oo muddo kooban socday ayaa caawa qabsaday kaalin shidaalka laga iibsado oo ku taalla agagaarka isbitaalka Masaarida degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Dabka oo aan la ogeyn sababta kicisay ayaa guud ahaan baab’iyey kaalinka shidaal ee uu qabsaday

Dab-damiska dowladda hoose ayaa ku guuleystay daminta dabkii ka kacay degmada Hodan gaar ahaan, agagaarka Isbitaalka Masaarida halka ay iska gooyaan waddada kasoo baxda isgoyska Digfeer, midda aadda isgoyska Soobe.

Dabka ayaa isku maray oo gaaray Garaash, maqaahi, dukaamo iyo guryo dad daggan yihiin oo halkaas ku yaalla ka hor inta aan la damin.

Kaalimo shidaal oo ku yaalla magaalada ayaa halis ugu jira inuu qabsado dab sababo la xiriira taxadar la’aan iyo iyagoo kaabiga ku haya maqaayado laga cunteeyo.

 

Related posts

Dowlada Kenya oo ka jawaabtay Eedeyntii uga timid dowlada Soomaaliya

Cabdi Cade

Maxkamadda ciidamada oo xukun ku riday Wiil dil iyo kufsi u geestay gabar 17-sanno jir

Cabdi Cade

Shir u dhaxeeya DF iyo dowlad goboleedyada dalka oo ka furmay Dhuusomareeb (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---