Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa gaaray Magaalada Cabudwaaq ee Gobalka Galgaduud.
Waxaana magaalada Cabudwaaq ku soo dhaweeyay qaar ka mid ah labada gole ee Dowlada Galmudug, Maamulka Degmada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Degmada Cabudwaaq.
Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa ujeedka safarkiisa waxaa lagu sheegay kormeerka iyo u kuurgalida xaalada guud ee ay ku sugan tahay degmada Caabudwaaq.
Inta uu joogo magaalada Caabudwaaq Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa kulamo kala duwan la yeelan doona qeybaha bulshada iyo maamulka degmadaas.
Degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa ka mid ah degmooyinka ugu nabdoon uguna horumarka fiican gobolkaas inkastoo mararka qaar ay ka dhacaan dilal la xiriira aanooyin qabiil oo ka dhexeeya beelaha dega degmadaas iyo degmooyinka la deriska ah.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com