Dowladda Shiinaha waxay shaacisay inay Hawadooda Sare ku arkeen Qalab aan la aqoon, kaasi oo dul heehaabayo meel ku dhow magaalladda Xeebta leh ee Qingdao.
Wargeyska Shiinaha ee The Paper ayaa qoray inay Shiinaha diyaar u yihiin inay soo ridaan Qalabka aan la aqoonin (an unidentified object)
ee dul heehaabayo Xeebta magaalladda Dekedda leh ee Qingdao.
Shaqaale ka tirsan Hay’adda Horumarinta Badda ee Degmadda Jimo ee ka tirsan magaalladda Qingdao ayaa sheegay inay Mas’uuliyiinta u xil saaran u diyaar-garoobeen sidii loo soo ridi lahaa Qalabka aan la aqoon ee lagu arkay Hawada Sare.
Shaqaalaha ma uusan sheegin nooca uu yahay Qalabka lagu arkay Hawada Sare ee magaalladda Qingdao.
Wargeyska The Paper waxa kale oo uu qoray in Kalluumeysatada ku sugan Xeebta loogu baaqay inay ka taxadiraan Ammaankooda.
Hadalka Digniinta ee Dowladda Shiinaha waxa uu ku soo beegmay, xilli ay Dowladaha Maraykanka iyo Canada sheegeen inay 3 Qalab oo aan la aqoonin ku soo rideen Hawadooda Sare bishan oo keliya.
Dowladda Maraykanka waxay ku eedeysay Dowladda Shiinaha inay Buufin Basaase ah ay u soo direen Hawada Sare ee dalkooda, balse, Dowladda Shiinaha waxay ku dooday inuu Buufinka yahay Qalab loo adeegsanayey Hawlgalka Cilmi-baarista ee Cimilada (weather-monitoring device).
Qalinka: Ustaad Nuradiin Ahmed Diini
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com