Kooxaha Gurmadka waxay maanta oo Axad ah burburka Dhismo ka soo saareen Gabar 7 bil dhalan iyo Gabar kale oo da’da Tobanaadka ) ku jirta.
Gabadha yar oo lagu magacaabo Xamso waxa laga soo saaray Dhismo buruburay oo ku yaalla Gobalka Hatay ee Koonfurta Turkiye, halka Esma Suldan oo 13 jir ah laga soo badbaadiyey Gobalka Gaziantep.
Sidoo kale, Kooxda Samata-bixinta waxay Dhismo burbursan oo ku yaalla Gobalka Hatay ee dalka Türkiye ka soo saareen wiil 15 jir ah oo la sheegay inuu Dhagool yahay, waxa uu muddo 132 saacadood ah ku hoos jiray burburka Dhismo.
Sidoo kale, Haweeney 70 jir ah oo lagu magacaabo Menekse Tabak ayaa laga soo saaray burburka Dhismo ku yaalla magaalladda KahramanmaraÅŸÂ ee Koonfurta dalka Turkiye.
Warbaahinta TRT Haber waxay baahisay Wareysi ay la yeesheen Haweeneydaasi ayaa iyadoo ilmaynayso u mahad celisay Ilaah SWT
Haweeneyda markii bannaanka la keenay waxay kaloo tiri: “Alxamdu Lilaah, Halkan ma Adduunkii baa?”
Tallaabadan ayaa timid, 6 maalmood kadib, markii uu Dhul-gariir ka dhacay dalalka Türkiye iyo Syria, iyadoo ilaa iyo haatan ay ku dhinteen in ka badan 28,000 oo qof.
Tobanaadka kun oo Shaqaalaha Samafalka ayaa weli ku hawlan sidii dad nool iyo maydadka looga soo saari lahaa Dhismayaasha burburay.
Inkastoo uu hadalkaasi Naf hurnimada socda, ayaa waxa la soo sheegay inay jiraan Walaac dhanka Ammaanka oo horseeday in la hakiyo qaar ka mid ah Hawlgallada iyo Tobaneeyo qof loo xiray iyagoo doonayey inay dhacaan Dhibanayaasha laga soo badbaadiyey burburka Dhismayaasha.
Si kastaba, Tirada dadka ku dhintay Dhul-gariirkii ka dhacay dalka Türkiye waxa uu ilaa iyo haatan gaaray 24,617 dhimasho ah, halka Dhul-gariirkii ka dhacay dalka Syria la sheegay inay ilaa iyo haatan ku dhinteen 3,574 qof.
Wadarta Guud ee ilaa iyo haatan la xaqiijiyey dadka ku dhintay Labada dal ee Turkiye iyo Syria waxay haatan gaareen 28,191 qof.
HOOS KA DAAWO SAWIRADA
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com