Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Danjiraha Mareykanka ee Somalia oo hal arrin ku amaanay Shiikh Aadan Madoobe

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kulan la yeeshay Safiirka Mareykanka u jooga Muqdisho Mudane Larry Andrè.

Waxay ka wada hadleen arrimo badan oo ay ka mid yihiin guushii laga gaaray dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed, howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab iyo xaaladaha guud ee dalka.

Danjiraha Mareykanka ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS uga mahadceliyay sida hufnaanta iyo dhexdhexaadinta leh uu u maamulay isl-markaana ku guuleystay gogoshii taalay magalada Baydhabo in si guul ah lagu soo gabagabeeyay .

Gunaanadka kulanka ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka ku ammaanay Dowladda Mareykanka taageerada joogtada ay la garab taagan tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya, taageeradii shirkii dib u heshiisinta KGS iyo dagaalka lagula jiro kooxaha al-shabaab .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dad lagu laayay Duleedka magaalada Baladweyne iyo xiisad halkaasi ka taagan

Cabdi Cade

Shirqoolo lagu beegsanayo Mucaaradka Axmed Madoobe oo la sheegay in Kismaayo ka bilaabatay

Cabdi Cade

Mareykanka oo Qirtay in Duqeymo ay ka fuliyeen dalal Soomaaliya ku jirto Shacab lagu dhibaateeyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---