Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Sidee dalalka Carabta uga jawaaben gurmadka dhulgariirka Turkiga & Siiriya? (Sawirro)

Dowladaha Carbeed ayaa kordhiyey Gurmadka Deeqaha loo ururinayo dadkii ka badbaaday Dhul-gariirkii ku dhuftay dalalka Türkiye iyo Syria, oo ay ilaa iyo haatan ku dhinteen ugu yaraan 24,000 oo qof, kuna dhaawacmeen in ka badan 80,000 oo qof.

Amiirka dalka Qatar,  Sheikh Tamim Bin Hamad Al Thani waxa uu 15 million oo Dollar ugu deeqay dadkii ka badbaaday Dhul-gariirkii ka dhacay labadaasi dal.

Wakaallada Wararka Qatar ee QNA ayaa soo tebisey inuu Al Thani Deeqdaasi ku wareejiyey Barnaamij Tabarucaad oo uu soo abaabulay Telefishinka Qaranka dalkaasi.

Ku-dhawaad 19 million oo Dollar ayuu TV-ga ururiyey Ururinta Gurmadka dadkii ka badbaaday Dhul-gariirkii Türkiye iyi Syria.

Waddanka Saudi Arabia waxay 3 Diyaaradood oo waday in ka badan 200 oo tan ka dejiyeen magaalladda Adana ee Koonfurta Turkiga.

Wakaallada Wararka Sacuudiga ee SPA ayaa tebisay inay Diyaaradahaasi la socdeen Kooxaha Gurmadka, Mutadawiciin, Ambalaasyo, Qalabka Daaweynta  iyo Gargaar kale oo Samafal.

In ka badan 569,000 oo qof ayaa iska soo ururiyey Kaalmo gaarayso in ka badan 192 million oo Riyals oo u dhiganta 51.2 million oo Dollar, iyadoo Kaalmadaasi loogu talagalay Dhibanayaasha Dhul-gariiradii Turkiye iyo Syria.

Dalka Imaaraadka Carabta (UAE) waxay tan iyo Khamiistii la soo dhaafay 15 Diyaarado waday Shixnado Gargaar gaarsiiyeen Türkiye, halka ay 7 Diyaarad kalena ay Shixnado Gargaar gaarsiiyeen dalka Syria.

Guud ahaan 22-ka Diyaaradood waxay qaadeen 640 tan oo Shixnado Gargaar ah, Kooxaha  Gurmadka iyo Isbitaal nooca guurguura oo Qalabkiisa u dhan yihiin ( a fully equipped mobile field hospital).

Shirkadda Al Ansari Exchange ee Imaaraadka waxay shaaciyeen  inay Kaalmo Lacageed oo dhan 3.67 million oo Dirham oo u dhiganta Hal milyan oo Dollar ugu deeqeen Kaalmada Aadminimo ee loo gaarsiinayo dadkii ka badbaaday Dhul-gariirkii Türkiye iyo Syria.

Golaha Wasiirada ee Kuwait waxay go’aamiyeen  inay 30 million oo Dollar ugu deeqaan dadaalka Samafalka ee ka socda dalalka Türkiye iyo Syria

Wakaallada Wararka Kuwait ee KUNA waxay kaloo sheegtay inay Wasaaradda Arrimaha Bulshada ay la kulantay Hay’ado Samafal oo kala duwan, si ay uga qeyb galaan Hawlgalka loogu gurmanayo dadkii ay waxyeelada ka soo gaartay Dhul-gariirkii ka dhacay dalalka Türkiye iyo Syria.

Jimciyada The Namaa Charitable Society Society dalka Kuwait waxay 8,000 oo Xirmooyinka cunto iyo in ka badan 3,000 oo Boston u qeybiyeen dadka ku nool goobaha uu Dhul-gariirkii ku dhuftay ee dalalka Türkiye iyo Syria.

Sidoo kale, dalalka Bahrain, Oman, Iraq, Falastiin,  Sudan, Libya,  Mauritania ayaa ku yaboohay Gargaar Aadminimo.

Nuradin Ahmed Diini
Mogadishu, Soomaaliya.

Related posts

Carro ka dhalatay Qoraal Madaxweyne Farmaajo kasoo saaray dilka Xildhibaan Aamnina Mohamed

Cabdi Cade

Halkuu ku dambeeyay bannaabixii ay ku baaqeen taageerayaasha Sh. Suldaan ?

admin

Ra’isul Wasaare kuxigeenka dalka oo Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga Dugsiga sare (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---