Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowlada Kenya oo talaabo culus qaaday ka dib digniintii ka soo baxday Mareykanka

Waxaa heegan sare la galiyay ciidamada ammaanka ee waddanka Kenya kaddib markii ay soo baxeen warar sirdoon oo sheegaya inay suuragal tahay in dalka uu ka dhaco weerrar argagixiso.

Saraakiisha amaanka ayaa sheegaya in heegan sare la geliyey laamaha amniga iyadoo laga feejigan yahay weeraro argagxiso oo digniin laga bixiyey.

“Waxaanu qaadnay talaabooyin lagu xoojinayo amniga, dhamaan laamaha amaanka dalka aya ku jira heegan sare iyo feejignaan sare” ayuu yiri sarkaal ka tirsan Booliska dalkaas.

Khamiistii ayey aheyd markii dowladda Mareykanka ay soo saartay digniin dhanka ammaanka ah oo ay u dirtay muwaadiniinteeda ku nool Kenya, saacado  kaddib markii mas’uuliyiinta waddankan ay shaaciyeen magacyada shan qof oo loo doondoonayo xiriir ay la leeyihiin ururka Alshabaab.

Safaaradda Mareykanka ee dalka Kenya ayaa ka digtay suuragalnimada weeraro argagixiso oo ka dhaca magaalada Nairobi

Qoraalka digniinta ah ee ay safaaraddu soo saartay ayey ku sheegtay in kooxaha argagixisadu ay qaadi rabaan weerar ay la beegsanayaan goobaha ay dadka badan iskugu yimaadaan gaar ahaan kuwa ajaanibka ah iyo dalxiisayaasha ku sugan Nairobi iyo qaybaha kale ee Kenya.

Sidoo kale safaarada Mareykanka ayaa muwaadiniinteeda ku sugan Kenya ugu baaqday iney feejignaadaan, kana fogaadaan goobaha la iskugu yimaado.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Markab weyn oo sida Shidaal oo kusoo xirtay Dekadda Boosaaso (Sawirro)

Cabdi Cade

Xubnaha labada Aqal ee Baarlamanka cusub oo beri kulan xasaasi ah yeelanaya (Ajendaha)

Caydiid Ali

(Sawirro) Rooble oo balanqaad u sameeyey Ciidanka Xoogga dalka ee ka howlgala Galmudug

Caydiid Ali
Taboola Ads ---