Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidanka Xoogga dalka oo war ka soo saaray weeraradii saaka lagu soo qaaday

Saraakiisha Ciidanka xoogga dalka iyo daraawiishta Jubbaland ayaa sheegay iney saaka fashiliyeen weeraro ay ku soo qaaday Al-Shabaab saldhigyo milateri oo ku yaalla degaanada Afmadow. Sabiib, Caanoole oo ku kala yaalla Jubada Hoose iyo Sh/hoose.

Weeraradan ayaa ku bilowday gaadiid walxaha qarxa laga soo buuxiyay, waxaana xigay dagaal toos ah oo dhexmaray ciidamada kus sugnaa saldhiyada milateri iyo kooxaha weerarka soo qaaday

Taliyaha qeybta 43-aad ee ciidanka xoogga dalka Jen. Cali Maxamed Maxamuud Bogmadow ayaa warbaahinta u sheegay inay ka hortageen laba gaari oo qaraxyo ay ku soo rareen al-shabaab, isla markaana uu meydkoodu daadsan yahay banaanka xeradii ay isku dayeen in ay soo weeraraan ee degmada Afmadow.

”Ujeedadoodu waxay ahayd, ciidamadaanu diyaarineyno inay khal khal geliyaan, Khasaaro nama soo gaarin haba yaraatee, iyagana meydadkooda banaanka ayuu daadsan yahay,” ayuu yiri Generaal Bogmadow.

Dhanka kale, ciidamada Xoogga Dalka ayaa sidoo kale sheegay iney fashiliyeen weerar saaka aroortii Al-shabab ku soo qaadeen degaannada Sabiib iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha hoose, halkaasoo labo gaari oo laga soo buuxiyey walxaha qarxa, balse ciidamada qaranka oo ka feejignaa ay ka hortageen sida saraakiishu sheegeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo geeriyooday iyo R/W Xamse oo ka hadlay

Cabdi Cade

Dal Yurub kuyaala oo Dhalasho u diiday Lamaane Muslimiin ah oo diiday in ay Ajaaniib Salaamaan

Cabdi Cade

Dowlada Somalia oo soo dhaweesay baaq ka soo yeeray wadamada isbaheysiga carbeed

Cabdi Cade