Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa saaka weerar ku bilowday qaraxyo ismiidaamin ah ku qaadeen xero ciidan oo ku taalla nawaaxiga degmada Afmadow ee gobolka J/hoose
Qaraxyada lagu bilaabay weerarka ayaa in loo adeegsaday laba gaari oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa, waxaana kadib xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay ragga weerarka qaaday iyo ciidamadii ku sugnaa saldhigga.
Wararka ayaa sheegaya in Xerada la weeraray ku sugnaayeen ciidamo tiro badan oo loo diyaarinayey howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab oo ka bilaabanaya dhowaan gobollada Jubbooyinka.
Al-Shabaab ayaa shaacisay inay beegsatay gudaha saldhig ay ku sugnaayeen saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland, isla-markaana ay khasaare gaarsiisay askartii iyo saraakiishii ku sugneyd halkaasi.
Sidoo kale Al-shabaab ayaa saaka weeraro kale oo ku bilowday gaadiid qaraxyo laga soo buuxiyey ku qaaday xeryo ciidamada xoogga dalka ku leeyihiin degaanada Sabiib iyo Caanoole oo ka tirsan gobolka Sh/hoose.
Lama oga illaa hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weeraradan Al-shabaab kula jarmaaday xeryaha ciidamada ee Afmadow, Sabiid iyo Caanoole, waxaana aad u yar faahfaahinta iyo wararka laga helayo goobahaas.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com