Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in xabbad joojintii xalay ay ku dhawaaqdey ay ka socon weyday dhinaca kale, saakana uu dagaalkii Laaascaanood halkiisa ka socdo.
War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa lagu sheegay in saaka weerar lagu soo qaadey fariisimada ciidanka Qaranka ee Magaalada Laascaanood, balse ay ciidanku iska difaaceen weerarkaasi.
“Waxaa saaka fariisimada Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee Magaalada Laascaanood weerar ku soo qaaday kooxihii argagixisada ahaa ee dagaalka ka wada magaalada Laascaanood, ciidamada Qaranka JSL wey iska difaaceen waxa aanay ku sugan yihiin xeryahoodii oo difaac kaga jiraan” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaarada.
Waxa sidoo kale qoraalka lagu sheegay in dagaalka saaka lagu soo qaaday ciidanka Somaliland ujeedkiisu ahaa in la burburiyo xabad joojinta ay xalay ku dhawaaqday.
“Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa xalay ku dhawaaqday xabad joojin aan shuruud lahayn, halka isla saakaba ay kooxihii argagixisada ahaa ay weerar soo qaadeen si aanay u dhaqan gelin Xabad Joojintu “ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka Somaliland.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com