Allbanaadir.com
NEWSSOMALILAND

Muuse Biixi oo Isbitaal ku booqday Askar ku dhaawacantay dagaalka Laascaanood (Sawirro)

Madaxweynaha  Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa kormeeray Isbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, halkaas oo la dhigay qaar kamid ah ciidamada maamulka Somaliland ee kusoo dhaawacmay dagaalkii Laascaanood.

Muuse Biixi ayaa gacan qaaday ciidamadii kusoo dhaawacmay dagaalka Laascaanood, waxa uuna u kuurgalay xaalada caafimaad ee askarta dhaawacan, isaga oo ballanqaaday in maamulkiisa ku dadaalayo daryeelka caafimaad ee askarta dhaawacan.

Sidoo kale Madaxwaynaha Somaliland waxa u cadeeyaay in ciidamada Somaliland ee dhawaacan ah u hurayan wax walba daryeelkooda caafimaad wax ka taraya, ismalarkaana daryeelka qoysaskooda  waajib ka saaran yahay.

Maamulka Somaliland ayaa dagaalka ka socda magaalada Laascaanood looga dilay askar badan iyo saraakiil ,halka sidoo kale askar kale oo dagaalka ku dhaawacantay lagu daweenayo Hargeysa iyo magaalooyin kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladda oo soo bandhigtay Dagaalyahan katirsanaa kooxda Al Shabaab oo soo goostay

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdi uu horkacayo oo gaaray Garowe

Caydiid Ali

Wararkii ugu dambeeyey Dagaal ka qarxay duleedka Magaalada Gaalkacyo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---