Allbanaadir.com
NEWS

Suuq Weyn oo laga dhisay Dusha sare ee Dhismo Dabaq aad u dheer !

Caasimadda Jakarta ee dalka Induniisiya waxaa ka dhisan mashaariic dhismayaal ah oo aad u yaab badan. Suuqweyne laga adeegto oo ku yaalla dusha sare ee dhismayaal xiriira oo dabaqyo ah ayaana kamid ah.

20-kii sanno ee lasoo dhaafay, Induniisiya caasimadeeda Jakarta waxay kamid ahayd magaalooyinka ugu dadka badan dunida guudkeeda – halkaas oo in ka badan 10 milyan oo dad ah ay ku nool yihiin. Waxaana kusoo yaraanaya dhulka u bannaan deegaamaysiga ama ku habboon. Halka caasimadaha kale ay isku fidiyaan baaxad ahaan xagga dhulka, Jakarta waxay u koraysaa dhinaca cirka. Waxaana hadda dabaqyadeeda laga sii dul dhisanayaa xarumo kale oo adeegyada dadweynaha iyo ganacsiga loogu tala-galay.

Suuqweynahan mall-ka ah ee laga dul sameeyey dabaqa waa duni guuraysa oo loo dhammeystiray adeeg walba. Waxaana loo habeeyey hab fudud oo qofku ku raaxaysanayo kor joogiisa. Goobo dalxiis sida barkado iyo aseendooyin ama jardiimo ayaa ku yaalla oo ay macmiishu fadhiisan karaan.

14 sannadood kahor ayaa la dhisay mall-kan. Wuxuuna ku yaalla bartamaha caasimadda Jakarta. Waxaana lagu weegaaray teed adag oo shub ka sameysan kaas oo qofka iyo gaadiidka uu sito ka hor istaagi kara inuu sahal uga dhaco mall-ka iyo shilalka kale. Waxaana lagu magacaabaa Cosmo Park

Oggolaanshaha iyo idanka buuxa ee loo siiyay injineerada dhisay suuqweynahan ayay ka heleen dhiirrigelin ay sida ugu qurxoon uga soo saari karaan qaab dhismeedka mall-kan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Muran soo kala dhex galay Cumar Filish & Taliye Xijaar oo & Baladwayne oo qarka u saaran..

admin

Garoonkii Berbera oo la casriyeeyey iyo Muuse Biixi oo xariga ka jiray (Sawirro)

Caydiid Ali

Ciidamada AMISOM oo gaadiidkooda jiirsiiyey askari Soomaali ah

Caydiid Ali
Taboola Ads ---