Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Imaaraadka oo maal galinaya Dhismaha dhuun Shidaal oo isku xira Itoobiya iyo Eritrea

Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa dhawaan gacan ka geesatay in heshiis taariikhi ah uu dhax maro dowladaha Itoobiya iyo Eritrea oo horey u dhax maray dagaal dhiig badan ku daatay.

Imaaraatka ayaa qorsheenaya in labada dowladood uu ka caawiyo dhismaha dhuun shidaal oo isku xira labada dal, waxaana dhismaha dhuuntan shidaal noqon doontaa mid faa’iido badan ka helaan labada dal.

Itoobiya ayaa dhawaan dhulka ay maamusho ee Soomaali Galbeed kasoo saartay saliid, waxaana muhiim ah in ay hesho Itoobiya meel ay ka dhoofiso shidaalkaasi dhulkeeda laga helay.

Dowlada Imaaraadka ayaa hada wada qorshe ay ku dhiseyo dhuun shidaal oo isku xireysa  magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya iyo magaalada Dekeda leh ee Assab ee dalka Eritrea.

Qorshahan lagu dhisayo dhuunta Shidaal ee isku xiraya Itoobiya iyo Eritrea waxaa dhawaan kawada hadlay Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed iyo Wasiiru dowlaha arrimaha Iskaashiga Caalamiga ee Imaaraadka Carabta  Reem Al Hashimy.

Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa u muuqata mid saameyn weyn xiligan ku yeelaneysa geeska Afrika, waxa ayna dowlada kasoo shaqeesay heshiiska taariikhda galay ee Itoobiya iyo Eritrea dhax maray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’iisul Wasaare Khayre oo kulan soo dhaweyn ah la qaatay Alberto Vecchi (Daawo Sawiro)

Cabdi Cade

Midowga Musharaxiinta oo Digniin adag u diray Gudoonka Golaha Shacabka

Cabdi Cade

(Sawirro) Dibed-baxii ugu weynaa ee ka dhan ah Israel oo ka dhacay London

Caydiid Ali