Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Kenya oo baadi goobeysa shan nin oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab

Hoggaanka danbi baarista Kenya ee DCI ayaa soo saaray digniin ku saabsan shan tuhmane oo argagixisanimo loo heysto kuwaasoo la rumeysan yahay inay ka danbeeyeen weeraro argagixiso oo hore uga dhacay dalka.

Sida laga soo xigtay DCI, afar ka mid ah eedaysanayaasha ayaa kala ah; Ramadhan Hamisi Kufungwa, Issa Abdalla, Ahmed Omar Said iyo Macallin Yuusuf Xasan ayaa weeraro kala duwan ka geystay gobolka Lamu halka tuhmanaha ugu dambeeya oo lagu magacaabo Macallin Cabbaas oo ku magac dheeraa Cabaas Guyo uu mas’uul ka ahaa weerarkii sannadkii 2014-kii lagu qaaday Jaamacadda Gaarisa oo ay ku dhinteen 147-qof.

“Ramadhan Hamisi Kufungwa waxa uu amar ku bixiyaa dagaalyahanada Al Shabaab, waxaana uu isku dubbaridaa weerarada ka imaanaya Soomaaliya ee lagu beegsanayo dadka Kenyanka ah ee aan waxba galabsan, waa isku xiraha Kassim Musa Mwarusi, oo baxsad ah oo mas’uul ka ah fulinta weeraro ka dhacay Boni iyo dhaqdhaqaaqii ay ku biireen Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee argagixisada ah ee ka yimid Kenya. ” ayaa lagu yiri bayaanka DCI.

“Eedaysanaha labaad ee Ciise Cabdalla Axmed oo loo yaqaan Ciise Kauni oo ka yimid Malindi wuxuu ku biiray Al Shabaab, wuxuuna u safray Soomaaliya sannadkii 2014-kii, dhowr jeer oo hore ayuu dalka ka geystay weeraro, wuxuuna ka soo gaaray darajooyin. waxa uu xubin ka noqday guutada isqarxinta, waxa uu hadda ku hawlan yahay qorsheynta weeraro ka dhan ah bartilmaameedyada dalka gudihiisa.

Ahmed Omar Said oo u dhashay Malindi, DCI-da ayaa intaa ku dartay inuu ku lug lahaa weeraro badan oo ka dhacay gudaha Keymaha Boni kadib markii uu ku biiray Al-Shabaab sanadkii 2016-kii.

Waxa uu ku xiran yahay Guutada Jaysh Ayman ee Al-Shabaab, oo ah laanta argigixisada ah ee sida gaarka ah loo sameeyay si ay weeraro uga geystaan Kenya.

“Eedeysanaha afraad ee Macallin Yuusuf Xasan Cabdullaahi ayaa loo raadinayaa dilka saddex (3) macallin oo dhacay sannadkii 2018-kii iyo dilkii kaaliyaha madaxa deegaanka Gumurey ee degmada Wajeer oo isna dhacay bishii December 2020.” ayey sheegtay DCI.

DCI-da ayaa si isku mid ah ugu boorisay bulshada iney booliska ku soo war geliyaan xog kasta oo horseedi karta in la soo qabto shanta nin oo looga shakisan yahay argagixisanimo xiriir la leh Al-Shabaab.

“Haddii aad hayso xog ku saabsan halka ay ku sugan yihiin tuhmanayaasha aan kor ku soo xusnay oo hawlahooda ay khatar weyn ku yihiin ammaanka Kenyaanka aan waxba galabsan, ha ka waaban inaad nagala soo xiriiran nambarkayaga telefoonnada,” ayay tiri DCI-da.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA SHANTA NIN

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dil naxdin leh oo ka dhacay degaan ka tirsan Sh/dhexe iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Biden oo dhibco badan looga helay dood adag oo dhexmartay Trump

Caydiid Ali

Saciid Ciise: “Dastuurka ha lagu qoro in Somalia laga mamnuuco Saldhigyo ciidamo Shisheeye”

Caydiid Ali