Taliska Ciidanka Booliska Qeybta Guud gaar ahaan Ciidanka Saldhigga Degmada Dharkenley ayaa gacanta ku dhigay seddex nin oo Burcad ah.
Raggan ayaa Dadka Barakacayaasha ah ee nool Duuleedka Magaalada Muqdisho ku dhacayay Kaarar Been-abuur ah, waxa ayna dadka u sheegayeen in ay yihiin Hey’addaha Ka shaqeeya Arimaha gargaarka.
Nimanka Burcada ah ayaa lacag min 10 dollar ka aruursaday qoysas badan oo danyar ah, kadibna u qeybiyay Kaarar been ah, iyagoo taas badalkeed dadka Masaakiinta ah u sheegaya in ay dhawaan heli doonaan deeq lacageed iyo Raashin.
Ciidanka Booliska Saldhigga Degmada Dharkenley ayaa gacanta ku dhigay, waxaana lagu soo xiray Saldhigga Degmada, iyadoo baaritaanada ka dib loo gudbin doono Maxkamad si ay cadaalada u maraan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com