Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Feysal Cali Waraabe oo soo jeediyey talo lagu joojin karo dagaalka Laascaanood

Hoggaamiyaha Xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Feysal Cali waraabe ayaa talo m muhiim ah oo ku saabsan dagaalka Laascaanood siiyey Madaxweyne Muuse Biixi.

Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay in si xal nabadeed loo gaaro looga baahan yahay Xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo Muuse Biixi Cabdi inay ku dhawaaqdo xabad joojin iskeed ah si loo abuuro jawi lagu wadahadlo.

“Xiisadda Laascaanood si loo dejiyo, xal nabadeedna loo gaaro, waa in xukuumadda Somaliland ku dhawaaqdo xabbad joojin hal dhinac ah. Dawladdu waa inay fududaysaa gargaarka bini’aadantinimo ee dadka barakacay, ayna samayso dadaal kasta oo lagu xaqiijinayo nabadda  ayuu yiri“ Feysal Cali Waraabe.

Waxaa uu sheegay in sida ay hadda wax u socdaan uusan ku iman karin xalka, taas bedelkeedna ay muuqato in dagaalka uu sii daba dheeraanayo.

Hadalkan kasoo yeeray hoggaamiyaha Xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Injineer feysal Cali Waraabe ayaa kusoo aadaya xilli maalintii 5aad dagaalo xoogan ay ka socdaan magaalada Laas-Caanood, isla markaana aysan dhaqan gelin baaqyo kasoo baxay dowladda Somalia, beesha Caalamka iyo qeybaha bulshada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne saadaalin ka bixiyay tirada dadkiisa ee u dhimanaya Caronavirus

Cabdi Cade

Ciidamo katirsan Kumaandooska Soomaaliya oo loo diray Masaajid Cali Gaduud iyo Howlgalo …

Cabdi Cade

Weerar lagu qaaday saldhig weyn oo kooxda Al Shabaab ku diyaarinayeen Qaraxyo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---