Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maayarka Magaalo ku taalla Yurub oo qoraal lama filaan ah u dirtay RW Israel

Maayarka magaalada Barcelona haweeneyda lagu magacaabo Ada Colau ayaa jartay xiriirka rasmiga ah ee magaaladeedu la leedahay dalka Israa’iil, iyada oo ku eedaysay in dalkaasi uu ku kacay dembiyo la xiriira, midab takoor ka dhan ah dadka Falastiiniyiinta”.

Go’aanka ay qaadatay maayarka Barcelona ayaa saamayn yar ku yeelanaya dawladda Israa’iil, hase ahaatee waxaa tallaabadani keeni doontaa in meesha laga saaro, heshiiska 25 jirsaday ee lagu mataaneeyey Barcelona iyo Tel Aviv.

Magaalada Barcelona oo caan ku ah dhinaca dalxiiska, iyo xataa kooxaha kubadda cagta ee dunida ugu magaca dheer, ayaa tallaabada ay qaaday wuxuu si guud u muujinayaa, dhaleecaynta sii kordhaysa ee ka dhanka ah dalka Israa’iil.

Israa’iil ayaa iyadu diiday eedaha loosoo jeediyey, iyada oo ku tilmaantay inay yihiin Yuhuud Nacayb.

Maayarka ayaa waraaq u dirtay ra’iisal wasaaraha Israa’iil taas oo ay kula socodsiinayso go’aankeeda, iyada oo u sheegtay inay tallaabadani jawaab u tahay, olole xooggan oo ay sameeyeen ururo kala duwan oo maxalli ah iyo kumanaan qof oo u dhaqdhaqaaqa arrimaha madaniga ah.

Maayarka ayaa tusaale u soo qaadatay qaar ka mida siyaasadaha Israa’iil ee laga cabanayo oo ay ku jirto, in milateriga dalkaasi uu muddo ku siman 55 sano inuu haysto Daanta Galbeed, “qabsashadii bariga Jerusalem iyo dib u deegaamaynta dhulalka Falastiiniyiinta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xamaas oo si adag u beenisay War ka soo baxay Israel

Caydiid Ali

Baarlamaanka Denmark oo ansixiyey sharci ka nixiyey dadka Magangelyo doonka ah

Caydiid Ali

Mareykanka oo digniin culus ka bixiyey weeraro argagaxiso oo ku soo wajahan Kenya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---