Allbanaadir.com
NEWS

Riyadii Sucuudiga ee Koobka Adduunka ee Lacagta Bilyannada Dollar loo Qorsheeyey oo la Burburinayo!

Riyadii waddanka Sucuudiga ee ahayd inuu martigeliyo Koobka Adduunka 2030 ayaa loo dhigayaa dabin lagu dilayo, waxaana soo baxay afar waddan oo iskaashanaya oo doonaya inay dib usoo celiyaan xasuusta taariikh 100 jirsatay oo ay tahay in dib loogu laabto.

Sucuudiga ayaa lacago tobannaan bilyan oo dollar ah u diyaariyey ololaha uu u gelayo martigelinta Koobka Adduunka, sidoo kalena waxay diyaar la yihiin in ay boqollaal bilyan ku kharash gareeyaan dhismaha garoomo cusub iyo casriyeynta kuwa ay waqtigan haystaan.

FIFA ayaa go’aamin doonta dalka martigelin doona Koobka Adduun ka ee toddoba sannadood kaddib, iyadoo midka soo socda ee 2026 lagu qaban doono waddamada Maraykanka, Mexico iyo Canada oo wada-jir u martigelin doona.

Afar waddan oo ku yaalla Latin America ayaa shaaciyey in ay doonayaan in lagu qabto Koobka Adduunka 2030 maadaama saddexdii u dambeeyey ay kala qaateen qaaradaha Yurub, Asia iyo Woqooyiga Ameerika oo ah midka 2026.

100 sannadood ka hor ayaa waxa Koobka Adduunka martigelisay Uruguay oo dhamaan kulamadiisii lagu ciyaaray caasimadda dalkaas ee Montevideo, waxaanay ku guuleysteen isla koobkaas oo ay hadda doonayaan in boqol sannadood kaddib ay martigelintiisa wax ku yeeshaan.

Waxa kale oo koobka Adduunka 2030 u tartamaya inay martigeliyaan wddamada Spain iyo Portugal oo doonaya inay wada-jir u qabtaan, halka Ukraine ay iyaduna gaarkeeda u doonayso. Waxa kale oo tartanka ku jira Masar, Giriigga iyo Sucuudiga.

by Abdiwahab Ahmed

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

R/Wasaare Kheyre oo shir guddoomiyey kulan looga hadlayay Amniga Qaranka (Daawo Sawirro)

admin

Dowlada Turkiga oo qaaday talaabo kale oo ka careesiisay Gariiga iyo Khilaafkii oo soo noqday

Cabdi Cade

Masar oo isaga baxday Wadahadaladii Wabiga Niil iyo Sudan oo hanjabaad jeedisay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---