Qaar kamid ah waddamada caaalamka ayaa khuburo iyo sidoo kale kaalmooyin caawinaad ah u diraya dalalka Turkiga iyo Syria oo ay ku dhufteen dhul-gariir xooggan oo sababay khasaarooyin badan oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur .
Maamulka Daalibaan ee haya talada dalka Afgaanistan ayaa shaaca ka qaaday in kaalmooyin degdeg ah u dirayaan dalalka Turkiga iyo Syria, si ay qeyb uga noqdaan caawinaada loo fidinayo dadka waxyeelada kasoo gaartay dhul-gariirka.
Wasaaradda arrimaha Dibedda ee Maamulka Daalibaan qoraal kasoo baxay ayaa lagu sheegay inay Turkiga u diri doonaan Kaalmo lagu qiimeeyay 10 million oo lacagta dalka Afgaanistaan una dhiganta 111,024 Dollar.
Qoraalka kasoo baxay maamulka Daalibaan ayaa sidoo kale lagu sheegay in dalka Syria iyagana loo diri doono kaalmo gargaar oo dhan 5 million oo Lacagta Afgaanistaan oo iyana u dhiganta 55,512 Dollar.
Maamulka Daalibaan ayaa sheegay in yaboohan gargaar ay si degdeg ah ugu diri doonaan dalalka Turkiga iyo Syria, si ay garab istaag ugu muujiyaan walaalahooda islaamka ah ee dhibaatada kasoo gaartay dhul-gariirka .
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com