Allbanaadir.com
NEWS

Xamse Barre oo kulan la qaatay Wasiirro katirsan DF iyo Dowlad goboleedyada (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre ayaa kulan la yeeshay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Farah Sheikh Abdulkadir iyo Wasiirrada Waxbarashada Maamul Gobolleedyada, kadib markii ay Talaadadii daahfureen hannaanka qaadashada 3000 oo macallimiin cusub ah.

Kulanka oo ay ku wehliyeen Wasiirru Dowlaha, Marwo Nuura Mustaf Guudow, Wasiir Ku Xigeenka, Mudane Axmed Cismaan Daqare iyo maamulka Gobolka Banaadir, ayaa waxay warbixin faahfaahsan ka siiyeen Ra’iisul Wasaaraha Daahfurka Hannaanka iyo Habraaca loo maray qaadashada macallimiinta cusub.

Wasaaradda Waxbarashada oo toddobaadkan daahfurtay barnaamijka qaadashada macallimiinta cusub, ayaa sheegtay in habraaca ay ka wada heshiiyeen madaxda heer federaal iyo heer maamul gobolleed, kadib kulan 10 maalmood qaatay oo wasaaraddu soo qabanqaabisay oo magaalada Muqdisho ku yeesheen mas’uuliyiinta wasaaradda iyo wasaaradaha maamul gobolleedyada.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka hadlay kulanka ayaa ku amaanay Wasiirka iyo Masuuliyiinta kale ee waxbarashada waxqabadka iyo tallaabooyinka muuqda ee ay qaadeen taasi oo wax weyn ka tareysa haqabtirka baahida waxbarasho ee ubadka Soomaaliyeed, isaga oo kula dardaarmay inay sii laba jibaaraan dadaalka ay sare ugu qaadayaan heerka waxbarashada dalka.

Photographer: Abdishukri Haybe
Photographer: Abdishukri Haybe
Photographer: Abdishukri Haybe
Photographer: Abdishukri Haybe
Photographer: Abdishukri Haybe

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliyihii Ciidanka Danab oo xilka laga qaaday & taliye kale oo lagu bedelay

Caydiid Ali

Axmed Madoobe oo si aan la fileyn uga hadlay qorshaha ka bixitaanka dalka ee Ciidanka ATMIS

Cabdi Cade

Guryo badan oo degnaayeen Qaxooti kasoo laabta Kenya oo ku duugmay Kismaayo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---