Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Bilad Madaxweyne oo gaari lagu dhax xaday iyo Sargaal Milatari oo loo xiray

Bilad Madaxweyne oo taariikhi ah ayaa laga dhax qaatay gaari ay saarneyd, waxaana arintaasi loo xiray oo baaritaano ku socdaan sargaal Milatari oo biladaasi loogu dhiibay in uu u geeyo Madaxweynaha dalka Boilivia.

Sargaal katirsan Milatariga Boilivia ayaa loo dhiibay biladan si uu u gaarsiiyo Madaxweyne Evo Morales oo doonayay in uu xirto biladaasi marka uu ka qeyb galayo dabaal dega ciidanka qalabka sida ee dalkaasi.

Biladdan oo dahab ahayd kuna xardhanaa mujowharaad kale ayaa xiliga la xadayay ku jirtay boorso la dhax dhigay gaari uu watay sargaalka Milatari oo xiligaasi damacsanaa in uu ka dhoofo garoon Diyaaradeed.

Ciidamada booliiska dalka Boilivia ayaa markii dambe boorsada ka dhax helay kaniisad kadib markii dad kusoo war galiyeen, waxa ayna booliiska xabsiga dhigeen sargaalkii loo dhiibay biladda oo hada baaritaano ku socdaan.

Madaxweyne Evo Morales ayaa lagu waday in uu xirto Biladan la xaday xiligii loo dabaaldegayey maalintii Arbacada xafladda ciidanka qalabka sida, waxa uuna Madaxweynaha munaasabada kasoo muuqdan isaga oon xirneyn bilada.

Biladan Taariikhiga ah ayaa la sameeyay sanadkii 1825, markaasoo la guddoonsiiyey geesigii qaranka ee dalkaas Simon Bolivar, waxaana biladan la dhigaa khasnad weyn oo taala bankiga Bolivia, iyadoona lasoo bixiyo marka Marka Madaxweynaha loo xirayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

(Akhriso) Guddiga doorashada K/Galbeed oo shaaciyey kuraas beri la dooranayo

Caydiid Ali

Dib u kabashada Soomaaliya oo deganaansho u horseedeysa gobalka geeska afrika

admin

Saciid Ciise: “Siyaasiyow ka digtoonow dhagarta dagaal siyaasadeedka Sokeeye”

Caydiid Ali