Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Safaarada Soomaaliya ee Britain oo 32 sano ka dib maanta dib loo howlgelinayo

Safaaradda Soomaaliya ee London ayaa 32 sano kadib maanta bilaabeysa iney dib u howlgasho, waxaana talaabadan soo dhoweeyey Soomaalida ku nool UK.

Dhismaha Safaaradda oo ku yaalla Winchester House Waddada Old Marylebone ayaa adeegyo muhiim ah siin doonto Soomaali boqolaal kun gaareysa oo ku nool dalka Britain.

Waxaa maanta lagu qabanayaa magaalada London  Xafladda furitaanka safaarada oo ay ka qeyb galayaan Cabdulqaadir Axmed kheyr, Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Ingiriiska, Gabadha Modelka ah ee Soomaaliyeed Sabrina Dhowre iyo Saygeeda Jilaaga Idris Elba iyo waliba qeybaha bulshada Soomaalida ee dalkaas ku nool.

Talaabadan ayaa sidoo kale lagu tilmaamay inay tahay mid lagu xoojinayo xiriirka Soomaaliya iyo Ingiriiska.

Safaaradda ayaa taageero iyo kaalmooyin kala duwan u fidin doonta bulshada Soomaaliyeed, sida adeegyada qunsuliyadda, habaynta fiisaha iyo munaasabadaha dhaqanka.

Dowladihii kala dambeeyey ee dalka soo maray 32kii sano ee la soo dhaafay ayaa isku dayey iney dib u howlgeliyaan safaarada Somalia ee UK, balse midkoodna kuma guuleysan arrintaas, hase ahaatee Madaxweyne Xassan Shiikh oo 10 bilood ka hor loo doortay muddo xileedkiisii labaad ayaa dedaal guuleystay ku bixiyey dib u howlgelinta safaarada Somalia ee UK.

Dowladda Soomaaliya ayaa furitaanka safaaradeeda magaalada London u aragta mid ka dhigan bog cusub oo u furmay xiriirka labada dal, waxayna rajeynaysaa in ay saameyn wanaagsan ku yeelan doonto bulshada Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Odayaasha iyo bulshada soo xuleysa ergada dooraneysa 16-kursi oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Dacwad laga gudbiyay Gudoomiyaha gobolka Hiiraan iyo taliye Ciidan (Akhriso)

Cabdi Cade

Milateriga Israel oo saacado gudahood ku dhowaad boqol shacab ah ku dilay Gaza

Caydiid Ali
Taboola Ads ---