Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Mareykanka oo digniin culus ka bixiyey weeraro argagaxiso oo ku soo wajahan Kenya

Safaaradda Mareykanka ee dalka Kenya ayaa ka digtay suuragalnimada weeraro argagixiso oo ka dhaca magaalada Nairobi

Qoraalka digniinta ah ee ay safaaraddu soo saartay ayey ku sheegtay in kooxaha argagixisadu ay qaadi rabaan weerar ay la beegsanayaan goobaha ay dadka badan iskugu yimaadaan gaar ahaan kuwa ajaanibka ah iyo dalxiisayaasha ku sugan Nairobi iyo qaybaha kale ee Kenya.

Sidoo kale safaarada Mareykanka ayaa muwaadiniinteeda ku sugan Kenya ugu baaqday iney feejignaadaan, kana fogaadaan goobaha la iskugu yimaado.

“Muwaadiniinta Maraykanka ee dalka Kenya ku sugan ayaa la amray inay ka feejignaadaan goobaha ay tagaan dalxiisayaasha ajaaniibka, si ay uga warqabaan agagaarkooda, iyo inay la socdaan warbaahinta maxaliga ah si ay u helaan xogaha cusub” ayaa lagu yiri qoraalka Mareykanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Tirinta Codadka Doorashada oo dhamaatay iyo Deni oo hoggaaminaya (Akriso Sida Codadka loo kala helay)

Cabdi Cade

Sidee Cali Guudlaawe loogu soo dhoweeyey degaanka Gerijir ee G/Hiiraan? (Sawirro)

Caydiid Ali

Deni oo ka falceliyey Xil-wareejintii maanta ka dhacday Villa Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---