Somaliland ayaa sheegtay inay hayso maxaabiis ka tirsan Al-Shabaab, iyo maamulka Puntland oo ay ku qabteen dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.
Wasiirka Arrimahada Dibada Ciise Kayd Maxamuud ayaa sheegay iney diyaar u yihiin iney maxaabiistaan u soo bandhigan beesha caalamka.
“Waxaanu hayna maxaabiis Al Shabaab ah iyo kuwo Puntland ah, waxay soo weerareen xeryaha millateriga, waxaanu diyaar u nahay inaanu u soo bandhigno beesha caalamka” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibada Ciise Kayd Maxamuud.
Waxaa uu sheegay in dagaalka ka socda maalintii 3aad uu u dhexeeyo ciidamada Somaliland iyo maleeshiyaad uu sheegay iney gacansaar la leeyihiin Al-shabaab.
“Ma jiro dagaal u dhexeeya dadka reer Laascaanood iyo ciidanka Somaliland, waxa jira maleeshiyaad gacan saar la leh Al Shabaab” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiir Kayd.
Wasiirka ayaa beeniyay in millateriga Somaliland ee ka dagaalamaya Laascaanood ay duqaymo u gaysteen Masaajido, kaalimo shidaal Isbitaalo iyo xaafado ay degan yihiin dad shacab ah.
Maayarka Somaliland ee gobolka Sool, ku xigeenkiisa, xubno ka mid ah golaha deegaanka, Garaado iyo siyaasiyiin reer Laascaanood ah ayaa hadalka Somaliland horey u beeniyey.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com