Marka hore waa maxay dhulgariir? Dhul-gariir waa hirar tamareed qaar ka mid ah dhulka gudahiisa mara, sida hirka P ama S, kuwana waxay maraan oogada dhulka, sida hirarka biyaha. Kuwa mara dhulka oogadiisa ayaa keenaa burbur laxaad leh iyo dhimasho badan.
Tamarta dhul-gariirka waxaa sababa dhulka oo lakabyo kala leh. Lakabka ugu sarreeyo dhulka waa lakabka qaaradaha ku dul yaalaan, oo loo yaqaano continental crust; waxaa ka hooseeyo lakab badeed loo yaqaano “Oceanic crust”. Labada lakab marka laysku daro dhamac dooda waa qiyaas 100 km oo adke ah, oo loo yaqaan Lithosphere. Lithosphere wuu kala go’go’an yahay, wuxuuna ka samaysan yahay 7 gabal waaweyn iyo siddeed gabal yar yar, oo loo yaqaan “plates”.
Soohdimaha plate-yada waa meelo jilacsan, oo si joogto ah dhulka gudahiiso dhagaxda ku jirta oo dhalaalsan iyo cadaadisan uu ka nafiso. Heerkulka iyo cadaadinta ka jirta lakabka dareeraha ah ee Asthenosphere ah aad ayay u sarraysaa. Heerkulka waa qiyaas 1300 degree Celsius. Ogow biyaha waxay ku karkaraan 100 degree Cesius, marka la joogo joogga badda. Dhagaxa asthenosphere ka waa dareere aad kulul, oo cadaadis badan wata; oo waxuu rabaa inuu soo jabsada lakabyada adkaha ah ee ka sarreeya. Markay taas dhacayso tamar badan ayaa la socoto jebiskaas dhulka gudahiisa ka socda. Tamarta la socoto hawshaas qeyb ka mid waa nooca hirarka P ama S ama Hirka dhulka oogadiisa mara.
Hirarkaan ayaa keena dhul-gariirka, baabi’iya dhulka iyo dadka. Inta badan meelo la og yahay ayuu ka dhacaa, oo ah soohdimaha gaballada “plate tectonics” ah.
Haddaba waddanka Turkiga waxaa ku yaal jiitin dhul-gariir lagu yaqaano, oo lagu magacaabo Jiitinta Waqooyiga Anatolia. Waxay soo martaa magaalada Istanbul iyo Xeebta Badda Madow. Sannado badan jiitintaan dhaqdhaqaaqa badan leh waxay sababtay halaagga dhulka iyo dadka ku nool aaggaas. Gobollo badan ee Turkiga, qeybta Anatolia ayay martaa. Dhaqdhaqaaqa Jiitinta Waqooyi Anatolia waxaa ugu wacan is herdinta Plate ka Euroasia iyo kan Anatolia. Waa xarriiq loo yaqaan the North Anatolian Transform Fault.
Laakiin dhul-gariirkii hadda ugu dambeeyay waa ka duwan yahay. Waa isku dhaca dhulka gudahiisa ay isku dhacayaan Plate ka Afrikaanka, kan Carabta iyo kan Euroasia. Mar allaale markay is xagtaan, dhulgariir ayaa ka dhaca koonfur-bari Turkiga. Halkaan waxaa marta xarriiqa “fault” ah ee loo yaqaan Koonfur Bari Anatolia. Waxaa soo noolaatay ka dib 1882 “fault zone” kan ee sababtay Dhul-gariir heer kiisa yahay 7.8 Richter Scale, iyo dhul-gariiro is-xigxiga oo kan ugu weyn ahaa 7.5 Richter Scale.
Eng. C/qaadir Abiikar Xusseen
Khabiir ku taqasusay cilmiga Dhulka