Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Golaha Wasiirada oo ansixiyey Magacaabista hanti-dhowrka Qaranka sharciyo kale (Sawirro)

Kulanka Golaha Wasiirada ee maanta oo uu shir guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa lagu ansixiyay magacaabista Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka, Laba Hindise Sharciyeed iyo Siyaasad.

Golaha Wasiirrada ayaa si aqlabiyad ah u ansixiyay soo jeedinta Abuukaate Axmed Ciise Guutaale inuu noqdo Hanti-Dhawrka Guud ee Qaranka, Wasaaradda Maaliyadda ayaana golaha u soo jeedisay.

Mudane Abuukaate Axmed Ciise ayaa ah aqoonyahan xilal kala duwan ka soo qabtay dowladda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay.

Shirka ayaa looga dooday shuruuc la horkeenay oo dalka ahmiyad weyn u leh, wuxuuna goluhu si wadajir ah u ansixiyey Hindise Sharciyeedyada kala ah.

Hindise Sharciyeedka Maareynta Deegaanka oo ay soo gudbisay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadelka Cimilada, Hindise Sharciyeedka Dhowrista Xogta oo ay soo gudbisay Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoloojiyadda iyo sidoo kale Siyaasadda Maareynta Deegaanka oo Golaha ay horkeentay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadelka Cimilada.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa tilmaamay shuruucda uu goluhu meelmariyey ay dhammaantood yihiin kuwa leh mudnaan gaar ah oo hagaya dhinacyada Amniga iyo Siyaasadda Dhaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada, gaar ahaan deyn cafinta.

Hindise Sharciyeedyadan ayaa loo gudbin doonaa Golaha Baarlamaanka, si ay uga gutaan waajibkooda dastuuriga ah.

Dhanka kale, Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga  ayaa Golaha Wasiirrada warbixin ka siiyey amniga guud ee dalka iyo howlgallada lagu ciribtirayo al-shabaab, iyadoo Goluhu bogaadiyey dadaallada socda ee dalka lagu xoreynayo laguna xasillinayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Puntland oo diiday Ergayga gaarka ah ee Xassan Shiikh u Magacaabay Somaliland

Caydiid Ali

Xassan Shiikh oo war ka soo saaray xubinimada Somalia ee Golaha amaanka

Caydiid Ali

Gabar uu dhalay Madaxweyne Ruto oo jeedisay codsi qabsaday baraha bulshada

Caydiid Ali
Taboola Ads ---