Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulammo la qaadanaya madaxda ugu sarreysa dalka Talyaaniga ayaa soodhaweyn heerkeedu sarreeyo loogu sameeyay qasriga Chigi Palace ee magaalada Roma, halkaas oo kulan miro-dhal ah uu kula qaatay Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Marwo Giorgia Meloni.
Xassan Shiikh iyo Giorgia Meloni ayaa ka wada hadlay xiriirka taariikhiga ah ee labada dal, danaha wadajirka ah ee ka dhexeeya labada shacab, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu soo bandhigay halganka shacabka Soomaaliyeed ay ugu jiraan dib u dhiska dalkooda iyo dabar-goynta argagixisada.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Talyaaniga soo dhaweynta diirran ee ay ku qaabileen isaga iyo wafdigiisa, waxaana uu tilmaamay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay dib u soo nooleynta xiriirka saaxiibtinimo ee ay la leedahay dalalka Caalamka.
Madaxweynaha oo marti-qaad ka helay Madaxda Talyaaniga ayaa Ra’iisul Wasaare Giorgia Meloni kala hadlay kobcinta iskaashiga labada dal, xaaladda gobolka iyo hirgelinta heshiisyadii ay horey u galeen Soomaaliya iyo Talyaaniga.
Giorgia Meloni ayaa bogaadisay howlgalka dowlada Somalia ay dalka kaga xoreyneyso Al-shabaab, waxayna intaas ku dartay in dowladeeda ay kaalin mug leh ka qaadan doonto dagaalka lagula jiro argagxisada.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo xambaarsan qorshaha qaran ee dabar-goynta argagixisada Alshabaab ayaa Madaxda Talyaaniga u soo bandhigay dhinacyada ay danaynayso dowladda Federaalka Soomaaliya in laga caawiyo, si guul dhammeystiran looga gaaro dagaalkan, loona gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed xasilloonida iyo nabadda ay naawilayaan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com