Allbanaadir.com
NEWS

Musharax la dilay oo ku guuleystay doorashada kursigii uu u tartamayey (Sawirro)

Musharrax u tartamayay inuu noqdo maayirka magaalo ku taal waddanka Ecuador kaasoo la dilay saacado ka hor inta aanay furmin goobaha codbixinta ayaa ku guulaystay doorashadii ka dhacday magaalada Puerto López.

Omar Menéndez oo 41-jir ahaa ayaa waxaa toogtay rag hubaysan oo ugu galay qol ay ku wada jireen isaga iyo dad kale oo kala shaqeynayay ololihiisa doorashada.

Madaxweynaha Ecuador Guillermo Lasso ayaa cambaareeyay dilalka la gaystay.

Qof ka tirsan xisbiga Mr Menéndez ayaa la filayaa inuu geli doono booska siyaasiga la dilay oo uu sidaas ku noqon doono Duqa magaalada.

Doorashooyinka dowladda hoose ayaa la qabtay xilli ay sare u sii kacayeen mowjado fal dambiyeedyo ah kuwaasoo ay saamayn ku leeyihiin burcad mukhaadaraadka ka ganacsatada

Mr Menéndez ayaanan ahayn siyaasiga kaliya ee la dilay waqti yar uun ka hor inta aanan doorasho la qaban. Laba todobaad ka hor, Julio César Farachio oo u tartamayay inuu maayir ka noqdo magaalo xeebeedka Salinas ayaa toogasho lagu dilay.

Booliska ayaa xiray qof looga shakisanyahay dilka Farachio kaasoo hore ugu gooddiyay 45-jirka doorashada u tartamayay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin Madow ah oo xabsi la dhigay kadib markii lagu qalday nin kale oo Cadaan ah !

Cabdi Cade

Xiliga uu Jawaari khudbada u jeedinayo Xildhibaanada Golaha Shacabka oo xal laga gaaray

Cabdi Cade

Dowlada Somalia oo Wakiilka Midowga Afrika u qabatay inuu 48 saac kaga baxo dalka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---