Maamulka Jubbaland ayaa bilaabay in dayactir balaaran ku sameeyaan qaar kamid ah Buundooyinka gobolka Jubbada Hoose oo dhawaan ku bur buray fatahaadii uu sameeyay Wabiga Jubba.
Madaxweyne ku xigeenka 2-aad ee maamul Goboleedka Jubbaland iyo masuuliyiin kale ayaa maanta kormeer ku tagay dib u dhis lagu sameenayo Buunadad Baar-sanguuno oo ku bur burtay Fatahaadii wabiga sameeyay.
Buundadan dib u dhiska lagu bilaabay ayaa waxa ay ka mid tahay marinnada isku xira degaannada Gobolka Jubada Hoose, waxaana bur burka buundadan dhibaato u keentay isku socodka qeybo kamid ah gobolka Jubada Hoose.
Deegaanada maamulka Jubbaland waxaa saameyn balaaran ku yeeshay fatahaadii Wabiga Jubba sameeyay, waxaana fatahaada ku bur buray buundooyin iyo wadooyin muhiim ah oo mara deegaanada maamulkaasi.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com