Allbanaadir.com
NEWS

Mareykanka oo khubaro & eeyo tababaran u diray dhulgariirka ka dhacay Turkiga (Sawirro)

Koox ka kooban 159 qof iyo 12 Eeyaha loo  tababaray hawlaha Baadi-goobka dadka iyo Qalab Khaas ah oo culayskiisu dhan yahay 77,110 Kilograms ayaa ka degay Saldhiga Ciiddanka Cirka ee Incirlik Air Base oo ku yaalla magaalladda Adana.

Danjiraha Maraykanka u jooga Turkiye,  Ambassador Jeff Flaje ayaa soo dhaweeyey Kooxdaasi oo ka yimid Los Angels iyo Fairfax County County dalka Maraykanka.

Kooxdaasi oo isugu jirta kuwa Baadi-goobka iyo Samata-bixinta waxay ka wada tirsan yihiin Hay’adda Kaalmada Caalamiga Maraykanka ee USAID,  iyagoo kaalin ka qaadan doona Dadaalka hawlaha lagu raadinayo dadka nool iyo maydadka weli ku hoos xaniban Dhismayaasha ku burburay Dhul-gariirkii dhawaan ka dhacay dalkaasi.

War Saxaafadeed ka soo baxay Hay’adda USAID ayaa lagu sheegay inay Khubarada Maraykanka u safri doonaan Gobalka Adiyaman, iyadoo ay Dowladda Türkiye xiriirinayso Hawlgallada Gurmadka iyo Baadi-goobka dadka weli ku hoos xaniban burburka Dhismooyinka.

Ilaa 10 Gobal ayuu saameeyey waxyeellada Dhul-gariirkii ka dhacay W/Bari ee dalkaasi.

Dhanka kale,  Madaxweynaha dalka Turkiye,  Rajab Dayib Erdoğan waxa uu sheegay inay Codsiyo ka heleen ugu yaraan 60 Dowladood iyo Isbahaysiga NATO iyo Midowga Europe si ay u soo diraan Gargaar Samafal iyo Qalab Caafimaad oo loo adeegsan doono hawlaha Baadi-goobka iyo Gurmadka ee dadkii waxyeelada ka soo gaartay Dhul-gariirkii.

Ilaa haatan waxaa la diiwaan geliyey ugu yaraan 9,057 qof oo dhimasho ah iyo 52,979 dhaawac iyo 6,444 Dhismooyin ku burburay Dhul-gariirkii Isniintii ka dhacay dalka Türkiye, kaasi oo loo aqoonsaday mid ka mid Masiibooyinka ugu xumaa Qarniga.

Qalinka Nuradin Ahmed Dini

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne iyo Ra’isul Wasaare iyaga oo xil haya xabsiga la dhigay iyo Sababta keentay

Cabdi Cade

Al Shabaab oo shaacisay magaca iyo Dalka uu kasoo jeedo Ajnabi fuliyay weerar Ismiidaamin ah

Cabdi Cade

Meydadka Shabaabkii Weeraray Nairobi oo loo qaaday Mareykanka iyo sababta keentay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---