Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, magacaabid Guddiga Arrimaha Bini’aadantinimada ee dadka kusoo barakacay dagaalka Magaalada Laascaanood.
Madaxweynaha Dowladda Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland
Markuu arkay: Baahida loo qabo in loo diyaar garoobo dadka dhibaatadu kasoo gaartay magaalada Laascaanood.
Markuu arkay: Go’aankii Dowladda Puntland ee ka soo baxay 7-kii Feb 2023 Dowladda Puntland.
Markuu tixgaliyey: Aqoontooda iyo Waayo-aragnimooda.
Guddiga oo ka kooban Hay’adaha Dowladda, Ganacsato, Culimo iyo Samafelayaal ayaa kala ah:
- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Cabdi Faarax Siciid Juxa, Guddoomiye.
- Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf Guddoomiye Ku-xigeen.
- Wasiirka Wasaaradda caafimaadka Dr Jaamac Faarax Xassan Xubin.
- Wasiirka Wasaaradda duulista Hawada iyo Garoomada Ilyaas Cismaan Lugatoor Xubin.
- Wasiirka Wasaaradda warfaafinta Maxamuud Caydiid Dirir Xubin.
- Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo masiibooyinka Layla Cabdi Cartan Xubin.
- Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Qorsheynta Shaakir Maxamed Guuleed Xubin.
- Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Cabdifatax Maxamed Cabdinuur Xubin.
- Maxamed Caydiid Jaamac Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Xubin.
- Dr Siciid Warsame Shahaado xubin.
- Shiikh Fu’ad Maxamuud Xaaji Nuur Xubin.
- Shiikh Axmed Yuusuf Daad Xubin.
- Cabdikaafi Axmed Siciid Ganacsade Xubin.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com