Allbanaadir.com
NEWS

Ururada Haweenka Soomaaliyed oo Baaq kasoo saaray Dagaalka ka socda Laascaanood

Waxaa Magaalada  Muqdisho isugu yimid qaar ka mid ah Haweenka hoggaamiya ururada ka shaqeeya arrimaha Haweenka iyo Carruurta, waxa ayna kulankooda uga hadleen colaada ka taagan magaalada Laascaanood ee waxyeelada kasoo gaareyso dadka shacabka ah..

Kulankan ay haweenka  Soomaaliyeed ku yeesheen magaalada Muqdisho ayey ku muujiyeen walaaca ay ka qabaan dagaalka socda, waxa ayna tacsi u direen ehelada dadkii ku dhintay dagaalka maalinkii Seddexaad oo xiriir ah ka dhacay Magaalada Laascaanood.

Haweenka shiray Qaarkood oo ka soo shaqeeyay Nabadeenta dalka ayaa wax laga xumaaday ku tilmaamay dagaalka magaalada Laacasaacood ka socda, Waxa ay timaameen in aysan wannaagsaneyn dhibaateynta birimageedada korkooda lagu dagaalamayo.

Caasho Cismaan Ugaas oo ka mid ah madaxda Ururada Bulshada Rayidka doorna ka soo qaadatay Nabadeenta iyo dib u hishiisiinta ayaa tiri.”Waxa aan ugu baaqayaa bulshada Soomaaliyeed in loo gurmado dadka ay dhibaatada heysto ee dagaalka ku socdo ku barakacay, sax ma ahan in biyaha, iyo korantada laga jarto, siyaasadu ma ahan in xabbad la isku maquuriyo, waxa aan idiinku baaqaynaa in la joojiyo dagaalka oo nabbed lagu bedelo colaada”

Lataliyaha dhanka sharciga hey’adda SSWD Sahra Maxamed Axmed ayaa Iyana dhankeeda timaamtay in Afkira ay dhaqan ka dhigteen in marka ay is baabi’iyaan ay hishiiyaan, waxa ayna xustay in dadka Soomaaliyeed aysan sidasai xal u aheyn , waxa ayna ugu baaqday waxgaradka iyo culumada in ay kaalin ka qaataan joojinta dagaalka, sidoo kale  waxa ayna u soo jeedisay odayaasha dhaqanka in ay doorkooda cadeeyaan, oo aysan wax qaban marka ay doorasho jirto ayna aamusaan marka colaad ay jirto.

Shirkan ay haweenka ku baaqayeen nabadda ee lagu qabtay caasimadda Muqdisho waxaa kaloo ka hadashay Maryan Taqal Xuseen oo ka mid hoggaamiyaasha Ururada haweenka ee ka jira Soomaaliya “Waxaa na xanuujinayo, dadka ka barakacay guryahooda ee ku dhibaateysa bannaanka magaalada Laascaanood, waa in aad fahamtaan in ay gudaha ku harsan yihiin dad aan awoodi karin in ay xabada ka cararaan, oo waayeel, carruur, haween iyo naafo isugu jira, haddii aan nahay bulshada rayidka waxa aan u taagan nahay, gurmad iyo baaq Nabadeed.”

Ugu danbeyntii Haweenka Soomaaliyeed waxa ay ugu baaqeen salaadiinta, waxgaradka iyo dhinacyada gacanta ka geysan karo Xabad joojinta in ay si deg dag ah u raadiyaan xal nabadeed, lana tixgaliyo rabitaanka dadka ku nool Sool, Sanaag iyo Ceyn.

Waxaa maalinkii saddexaad oo xiriir ah ka socda magaalada Laascaanood dagaal dhiig badan ku daatay, kaasi oo u dhexeeyo dadka Deegaanka iyo ciidamada taabacsan Soomaaliland, Sidoo kale waxaa isa soo tarayo baaqyada nabadeed ee loo dirayo., kuwaasi oo ka yimid dowladda dhexe, beesha caalamka, iyo maamulada ka jira dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Duterte oo bixiyey amar yaab leh oo lagu burburiyey gaadiid qaali ah (Daawo Sawirro )

Caydiid Ali

Wasaarada Waxbarashada DF oo shaacisay Jadwalka Imtixaanka Dugsiyada Sare (Akhriso)

Caydiid Ali

Axmed Madoobe oo lacag siiyay kana farxiyay arday kasoo jeeda Jubbaland (Sawirro)

Cabdi Cade