Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wararkii u dambeeyey dagaalka Laascaanood iyo dhibaato cusub oo soo korortay

Magaalada Laascaanood waxaa maalintii sadexaad ka socda dagaal la isku habeensaday  oo u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee loo yaqaano SSC

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in illaa caawa maqribnimadii dhawaqa rasaasta culus laga maqlayo duleedka magaalada.

Wararka ayaa intaa ku daraya in magaalada ka go’een biyihii ka dib markii goobtii keydka biyaha ay waxyeelo ka soo gaartay hubka dagaalka la isku adeegsanayo.

Waxaa dhanka kale sii kordhaya khasaaraha ka dhashay dagaalka, xilli inta badan dadkii magaalada deganaa ay halkaasi ka qaxeen.

Sarkaal ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa sheegay in dad ka badan 80 kun ay ku barakaceen dagaalka ka socda magaalada Laascaanood.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Gudoonka Golaha Shacabka oo beeniyey in kulanka Sabtida xilka looga qaadayo Rooble

Caydiid Ali

Xildhibaan ka xumaaday Maxaabiistii Shabaabka aheyd ee xabsiga ka baxsaday

Cabdi Cade

(Sawirro) Saraakiil British ah oo tababar u soo xiray ciidamo ka tirsan Xoogga dalka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---