Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dhacdo Uurku-taallo leh oo laga soo weriyey Dhulgariirka Turkiga (Daawo Sawirro)

Waxaa isa soo taraya dhacdooyinka uurku-taalada leh oo laga soo werinayo dhul gariir ka dhacay dalalka Turkey iyo Siiriya oo galaaftay nolosha kumanaan ruux

Mascud Hansar waxa uu gacanta haystaa Meydka gabadhiisa Irmak oo 15 jir ah, gabadha waxaa ku fadhiyo darbi ku soo dumay.

Aabahan ayaa sugaya in kooxaha gurmadka deg degga ah ay u soo saaraan meydka gabadhiisa si uu aasto.

Sawiradan oo qabsaday baraha bulshada ayaa muujinaya xaddiga khasaaraha nafeed ee ka dhashay Dhul gariirka ku dhuftay magaalooyin ka mid ah waddamada Turkiga iyo Suuriya.

Khasaaraha dhimasho labada waddan waxa ay kor u dhaafayaan 7.800 oo qof sida ay baahiyeen warbahinta Turkiga.

Dhinaca kale, Hay’adda maaraynta musiibooyinka Turkiga ayaa Arbacadii sheegtay in dadka ku dhintay dhulgariirka balse aan la aqoonsan karin la aasi doono shan maalmood gudahood xitaa haddii aan la magacaabin.

Hay’adda, oo loo yaqaan AFAD, ayaa sheegtay in dhibanayaasha aan la aqoonsan la aasi doono ka dib baaritaannada DNA-da, daabacaadda faraha iyo ka dib marka sawir laga qaado si loo aqoonsado mustaqbalka.

Talaabadan ayaa ah mid waafaqsan aaska Islaamka oo u baahan in la aaso sida ugu dhaqsaha badan marka uu qofku dhinto ka dib.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dal kuyaala Aasiya oo xayiraad dhinaca Socdaalka kusoo rogay Dalal Soomaaliya ku jirto

Cabdi Cade

Laftagreen oo Shir deg deg ah la qaatay saraakiil Ammaan oo ay Ajaaniib ku jiraan (Sawirro)

Cabdi Cade

IBS Bank oo loo aqoonsaday Bangiga ugu fiican Soomaaliya (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---