Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Afwerki oo booqasho aan looga baran ku tagay dalka Kenya (Sawirro)

Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa gaaray dalka Kenya halkaasoo ay uga bilaabatay booqasho labo maalmood ah.

Wasiirka warfaafinta Eritrea Yemane Gebre Meskel ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in Madaxweynaha lagu wado in uu kulan la qaato dhiggiisa Kenya, William Ruto.

“Madaxweyne Isaias Afwerki iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Nairobi. Kulanka labada mas’uul ayaa diiradda lagu saarayaa horumarinta xiriirka labada dal iyo arrimaha gobolka ee danta guud” ayuu yiri Wasiirka.

Bishii lasoo dhaafay ayay aheyd markii madaxda Kenya iyo Eritrea ay ku heshiiyeen inay ka wada shaqeeyaan amniga iyo xasiloonida gobolka.

Hogaamiyahan 77 jirka ah ayaa booqasho dhif ah ku tagay dalalka dibadda, dalkiisa wuxuu sanadihii ugu dambeeyay go’doon diblumaasiyadeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mucaaradka Siiriya oo kaabiga ku haya magaalada Homs

Caydiid Ali

Masuuliyadda dilkii maanta loo geestay Lt Gen Kirillov oo la sheegtay

Cabdi Cade

Taliban oo dalab lama filaan ah u dirtay haweenka ka shaqeeya goobaha Caafimaadka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---