Allbanaadir.com
NEWS

Wariye Shaaciyay in uu iska iibinayo Xubin kamid ah jirkiisa iyo Sababta ku kaliftay

Saxafi u dhashay dalka Afgaanistan oo masaafuris ahaan ugu nool dalka Pakistan ayaa si rasmi ahaan u shaaciyey inuu doonayo inuu iska iibiyo Kelidiisa, si uu u sii noolaado.

Sami Jahesh waxa uu cabsi darteed uga soo cararay dalkiisa Hooyo sabab la xiriirta isagoo loogu hanjabay in la dili doono, isagoo haatan ay caqabado daran oo dhanka Dhaqaalaha haysato.

Saxafigan waxa uu u shaqayn jirey Telefishinka madax-banaan ee Aryana News, waxa uu ka soo cararay Afgaanistaan, markii ay Daalibaan la wareegeen talada dalkaasi bishii August ee sannadkii 2021-kii.

Haatan waxa uu degan yahay oo uu ku nool yahay gudaha dalka Pakistan.

Qoraal uu shalay oo Talaado ah soo dhigay Bartiisa Twitter-ka waxa uu ku yiri: “Ma haysto wax Lacag ah, Raashin aan cuno, ma jirto xulasho kale, balse, waxaan iska iibinayaa Kelidayda”.

Sami Jahesh waxa uu qoraalkiisa soo raaciyey mid ka mid ah Sawiradiisa iyo Nambarkiisa WhatsApp, isagoo ka codsanayo dadka u baahan Keli inay isaga toos ula soo xiriiraan.

Sida laga soo xigtay Ehelkiisa, Sami Jahesh waxa dhowr jeer jirdil iyo Xadgudub u geysteen Maamulka Daalibaan.

Suxufiyiin badan ayaa ka soo cararay dalka Afgaanistaan tan iyo markii ay Kooxda Daalibaan la wareegeen Talada dalkaasi.

Suxufiyiintaasi waxay door bideen inay Qaxooti ahaan ugu noolaadaan dalka Pakistan iyo dalalka kale ee deriska.

Koox ballaaran oo isugu jirta Suxufiyiin, U-Ololeeyaasha Xuquuqda Aadanaha, xubnaha Bulshada Rayidka ayaa ka wada firxaday dalka Afgaanistaan, iyagoo ka baqanayo inay Maamulka Daalibaan kala kulmaan Dil iyo Maxkamadayn.

Tiro badan oo Suxufiyiin & Dhaqdhaqaayaasha Xuquuqda Aadanaha Reer Afgaanistaan ayaa rajeynayey in loo gudbi doono Waddamada qaabila Qaxootiga, balse, waxay iyagoo Niyad Jabsan ku jiraan Xerooyinka Qaxootiga ee dalalka Pakistan iyo iiraan.

W /T Ustaad Nuradin Abukar

Related posts

Daawo Sawirada: Nin isku dilay Afaafka hore ee Aqalka Cad iyo kala orod halkaasi ka dhacay

Cabdi Cade

(Sawirro) Maxay ka wada hadleen RW Xamse & Xubnaha Golaha Ammaanka & Nabadda M/Afrika?

Caydiid Ali

(Daawo Sawirro) Cali Bashar oo loo gacan geliyey Booliska Jarmalka & Sababta ka dambeysa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---