Allbanaadir.com
NEWS

Carruur iyo dad kale oo saacado badan kaddib laga soo hoos saaray Dhismayaal dumay

Dalalka Turkiga iyo Syria waxaa wali ka socda gurmad xooggan oi ay sameenayaan kooxaha samatabixinta , kuwaa oo raadinaya nolol iyo geeri dad ku hoos jira dhismayaashii kusoo dumay dhul-gariirkii ku dhuftay qeybo kamid ah dalkaasi.

Kooxaha gurmadka ayaa soo badbaadiyay dad badan uu ku jiro Arif Kaan oo 3 jir ahaa, wiilkan ayaana ku-dhawaad labo maalin ku hoos jiray dhismihii ay degnaayeen oo dumay.

Wiilkan iyo xubno katirsan qoyskiisa ayaa saacado badan kaddib laga soo saaray burburka Dhismo qeybeed ay qoyskiisa ka deganaayeen magaallada Kahramanmaraş oo ku dhaw halkii xudunta u aheyd dhul-gariirkii dhacay.

Kooxaha gurmadka ayaa sidoo kale horey  usoo badbaadiyey haweeney Xaamilo ahayd oo ku hoos jirtay burburka gurigii ay deganayd iyo sidoo kale gabar 10-sanno jir aheyd oo iyana burburka dhismo saacado badan ku hoos jirtay.

 

Related posts

Geeri Naxdin leh oo caawa ka dhacday xaflad Aroos ka socotay Magaalada Gaalkacyo

Caydiid Ali

Farmaajo oo la kulmay, Madaxda Ahlu sunna & Guddiga dib u heshiisiinta Galmudug (Sawirro)

Caydiid Ali

Hoggaamiyihii xukuumadda gooni u goosadka ah ee Nagorno-Karabakh oo la qabtay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---