Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibaan Caawa lagu dilay magaalada Muqdisho iyo Madaxweyne ka hadlay Dilkaasi

Kooxo biskoolado ku hubeesan ayaa caawa magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Dharkeenley ku dilay Xildhibaan Isaaq Maxamed Xasan oo katirsanaa baarlamaanka dowlad goboleedka Jubbaland.

Sida aan wararka ku helnay kooxaha hubeesan ayaa xildhibaan Isaaq Maxamed ku dhuftay dhoor xabadood, iyagoona dilka kaddib goobta isaga baxsaday, ciidamada ammaanka oo gaaray goobta dilku ka dhacay ayaana ku guuleesan soo qabashada kooxda dilka geesatay.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa tacsi u diray ehelkii, qaraabadii uu ka baxay Xildhibaan Isaaq Maxamed Xasan oo caawa lagu dilay Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa Alle uga baryay inuu marxuumka ka waraabiyo janadii fardowso ehelkii iyo guud ahaan shacabka Jubaland ee uu ka baxayna rabi samir iyo iimaan ka siiyo.

Dilka caawa magaalada Muqdisho loogu geestay xildhibaankan katirsanaa baarlamaanka Jubbaland ayaa imaanaya, xilli isbuuc kahor sidan oo kale Muqdisho loogu dilay wasiir katirsaneyd dowlad goboleedka Jubbaland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidanka NISA oo qabtay rag Al Shabaab ka iibsaday gaari iyo Qori Jubbaland laheyd (Sawirro)

Cabdi Cade

Sanbaloolshe oo baaq cajiib ah u diray Xildhibaanada ku midoobay Kutlada NISA

Cabdi Cade

Dagaalyahano kasoo goostay Al Shabaab oo lasoo bandhigay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---