Allbanaadir.com
NEWS

Beesha Caalamka oo War kasoo saartay Colaada ka aloosan magaalada Laascaanood

Wakiillada beesha caalamka u jooga Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saareen walaac uga muujiyay dagaalka ka qarxay magaalada Laascaanood ee u dhaxeeya dadka deegaanka iyo ciidamada maamulka Somaliland.

Qoraalka kasoo baxay beesha caalamka ayaa lagu sheegay in ay ka xunyihiin shacabka magaalada kunool ee lagu kor dagaalamayo ayna kasoo gaarayaan colaada waxyeelo isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.

”Saaxiibada beesha caalamka ayaa aad uga walaacsan rabshadaha haatan magaalada Laascaanood ka socda ee sababay waxyeellada dad rayid ah oo ay ku jiraan carruur” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay beesha Caalamka.

Wakiillada beesha caalamka ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo qaboojiyo colaadda ka aloosan magaalada Laascaanood, waxa ayna ku baaqeen in xiisada  lagu xaliyo si nabbad galyo loona maro wadahadal.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Israel oo duqeyn ku leysay Dr. Hassan Hamdan & qoyskiisa

Caydiid Ali

Dil caawa ka dhacay Magaalada Boosaaso & howlgalo ka socda

Caydiid Ali

Dab weyn oo caawa qabsaday garaash ku yaalla Muqdisho & khasaare ka dhashay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---