Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro)Isbitaalka Laascaanod oo la duqeeyey iyo Wararkii ugu dambeeyey dagaalka

Dagaalo ayaa maalintii labaad ka sii soconaya magaalada Laascaanood gaar ahaan agagaarka Burta Sayidka. Madaafic iyo rasaas kala nooc ah ayaa dadka degaanku sheegeen in dagaalkan la isku adeegsanayo.

Dagaalka ayaa billowday shalay iyadoo mas’uuliyiinta Somaliland ay sheegeen in ciidankooda lasoo weeraray, halka odayaasha deegaanka ay ku warrameen in weerar ay soo qaadeen ciidamada Somaliland.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka maanta uu ka xoog iyo khasaare badan yahay, marka loo eego shalay, waxaana labada dhinac ay helayaan gurmadyo fara badan oo ciidan.

Saraakiisha caafimaadka Laasacaanood ayaa sheegaya in dagaalka ay illaa hadda ku dhinteen 38 qof, halka 132 kale ay ku dhaawacmeen inta ay iyagu xaqiijiyeen. waxaana jira isbitaalo kale oo la geeyey dhaawacyo iyo meydad kuwaasoo qaarkood ku yaalla magaalooyin kale.

Dhinaca kale, Isbitaalka Laascaanood ayaa la sheegay inuu saameeyey dagaalka ka dib markii ay ku dhaceen madaafiic Hoobiyayaal ah.

Dad lagu daweynayay Isbitaalka oo ahaa shacabkii ay waxyeeladu ka soo gaartay duqeymihii saaka ayay markale dhibaato soo gaartay sida wararku nagu soo gaaraayaan waxaana burbur uu soo gaaray qeybo ka mid ah isbitaalka.

Dhinacyada dagaalamaya u muuqda kuwo aan dheg jalaq u siineynin baaqyada nabadeed ee ka soo yeeraya gudaha iyo dibeda si loo joojiyo dagaalka, waxaana dhinac walba uu ku dadaalayaa inuu ka aadkaado dhinaca kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ujeedada ka danbaysa kulanka madaxda dowlada goboleedyada & Amar kasoo baxay madaxweynaha Puntland !!

admin

Milateriga Israel oo dharka ka dhigay shacab ay ka xirxireen Gaza (Sawirro)

Caydiid Ali

DEG DEG: Fahad Yaasiin oo jawaab ka bixiyey amarkii ka soo baxay Raisul Wasaare Rooble

Caydiid Ali
Taboola Ads ---