Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Gudoomiye Waaxeed ka tirsan degmada Waaberi oo saaka lagu dilay Muqdisho

Kooxo hubeysan ayaa saaka toogasho ku dilay gudoomiye waaxeed ka tirsan Maamulka degmada Waaberi ee gobolka Banaadir.

Marxuum Cabdi Muuse (Cabdi Olol) oo ahaa gudoomiyihii waaxda 1da Maajo ee degmada Waaberi ayaa lagu dilay wadada Via-Liberia oo ka tirsan degmadaas.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in ragga dilka geystay oo bastoolado ku hubeysnaa ay goobta ka baxsadeen markiiba.

Sida caadada ah ciidamada amaanka dowlada Somalia ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay, halkaasoo ay ka wadaan baaritaano, laman sheegin illaa hadda cid loo soo xiray dilkan.

Cabdi Olol ayaa ka soo kabsaday dhaawac halis ah oo kooxo hubeysan ugu geysteen degmadiisa, kuwaasoo meyd ahaan uga tagay dhaawaciisa balse ka badbaaday, dabayaaqadii sanadkii 2021.

Laamaha amaanka DF iyo Maamulka gobolka Banaadir iyo kan degmada Waaberi ayaan weli ka hadlin dilka Cabdi Olol oo ahaa nin si weyn looga yaqaano degmada Waaberi.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiirka Gaashaandhiga oo War cusub kasoo saaray Guddiga Baarista uu magacaabay

Cabdi Cade

Heshiiska Galmudug iyo Shirkadda maalgashiga Dekadda Hobyo oo la ansixiyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo la sheegay in uu raadinayo Ra’isul Wasaare aan nuuciisa la arkeyn !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---